Dowladda Mareykanka oo racfaan ka qaadaneysa go’aan uu xaakin ku hor istaagay joojinta WeChat

0
137

JOWHAR (Radio Isnaay) Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay inay racfaan ka qaadaneyso go’aanka uu garsoore dowladda uga hor istaagay inay ka joojiso shirkadda Apple in lagala degi karo barnaamijka farriimaha gaa gaaban lagu wadaago WeChat ee Shiinuhu leeyahay.

Dawladdu waxay sheegtay inay rafcaan ka qaadanayso gal-dacwadeedka hordhaca ah ee 19-ka Sebtember ee uu soo saaray xaakimka Mareykanka, ee Laurel Beeler una gudbiyay Maxkamadda Rafcaanka ee Mareykanka.

Waaxda Caddaaladda ayaa mar sii horreysay sheegtay in amarka Beeler uu khalad ku jiray uuna “oggol yahay sii socoshada, isticmaalka aan kala-sooca lahayn ee WeChat, oo ah barnaamij moobil ah oo Laanta Fulintu go’aamisay in uu khatar ku yahay Amniga Qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibedda ee Mareykanka.”

Amarkan ayaa haddii ay ku guuleysato Xukuumadda ka dhignaan doona in aan WeChat laga adeegsan doonin gudaha Mareykanka.

Barnaamijka WeChat ee Shiinaha laga leeyahay ayaa ah mid la mid ah Facebook, WhatsApp, Instagram iyo Venmo, waxaana ku xiran nolol maalmeedka malaayiin reer Shiina ah, wuxuuna ku faanaa adeeggan in dad ka badan 1 bilyan ay istcmaalaan adeeggooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here