trump iyo Xaaskiisa oo laga Helay Xanuunka Saf marka ah ee Covid-19.

0
174

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo Xaaskiisa Manilla Trump ayaa laga helay cudurka Covid-19, ka dib tijaabo xalay lagu sameeyey, waxaana ay bilaabayaan inay iska karaantiilaan bulshada.

Trump ayaa partiisa twitter-ka ku cadeeyey in isaga iyo xaaskiisa baaritaankii lagu sameeyey lagu ogaaday inay cudurka qabaan, aysana jirin xilligan xaalad caafimaad darro ee ay dareemaayan, balse ay rajeynayaan inay ka soo kabtaan cudurka.

Aqalka cad ee Maraykanka looga taliyo ayaa baahiyey qoraalka Dr. Sean Conley oo ah dhaqtarka gaarka ah ee madaxweynaha Maraykanka, kaas oo lagu sheegay in madaxweynuhu sii wadi doono hawlaha Qaranka, isagoo gurigiisa isku karaantiilaya, wixii kiiskan ka soo kordhana ay bulshada la wadaagi doonaan.

Dhammaan kulamadii siyaasadeed ee todobaadyadan u qorshaysnaa Trump ayaa la joojiyey, sida aqalka cad uu xaqiijiyey, iyadoo laga fogaanayo in Trump ay dad la kulmaan.

Maraykanku haatan waa dalka koobaad ee dunida laga helay tirada ugu badan ee dadka uu ku dhacay fayraska korona. Laakiin Madaxweyne Trump wuxuu hore ugu nuuxnuuxsaday in uu si haboon oo fiican wax uga qabtay.

Bal hadaba aan dib ugu noqono hadallo door ahaa oo uu ka yidhi cudurkan iyo jiritaankiisa ba.

22 Jeeniweri, markaas oo qofkii ugu horeeyey ee Maraykan ah ee uu cudurku ku dhaco la xaqiiyey,ayaa waxa uu Trump yidhi:

Gebi ahaan ba waan xakamaynay cudurka. Waa qof keliya oo Shiinaha ka yimid waanan la tacaalaynayaa. Wax weyni dhici maayaan oo arintu caadi bay ahayn doontaa”

9 Maarij ayaa Trump waxa uu ku sheegay korona fayrasku in aanu ka duwanayn oo uu la mid yahay uun hargabka caadiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here