Bisad mucjiso ku noqotay nin safar ku marayay dunida.

0
160

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Markii uu Dean Nicholson, oo horay u ahaa kubadda Rugby-ga u ciyaara Scotland, xirxirtay alaabtii uu ku aadayay safar dunida daafaheeda ah, wuxuu rajeynayay in safarkaas uu ka heli doono khibrad noloshiisa baddasha.

Laakiin ninkan 31-ka jirka ah ma uusan ka warqabin in xayawaan yar oo afar lugood leh uu la noqon doono saaxiib noloshiisana baddali doono abid.

Dean, oo kasoo jeeda magaalada Dunbar, wuxuu dhibsaday nolosha ku saleysan shaqada la aado 9-ka subaxnimo ee laga soo baxo 5-ta galabnimo, wuxuuna go’aansaday inuu baaskiilkiisa kusoo maro guud ahaan caalamka.

Wuxuu ka tagay Scotland, isagoo safarkiisa ugu horreeyay ku aaday Amsterdam. Wuxuu sii maray dalalka Belgium, Giriigga, Switzerland iyo Talyaaniga ka hor inta uusan Doon weyn u raacin waddanka Croatia.

Kaddib wuxuu usii safray Bosnia, halkaasoo uu kula kulmay xayawaanka noqon doona saaxiibka sarafka la wadaagi doona.

Dean wuxuu BBC-da laanteeda Scotland ku yiri: “Waxay ahayd maalin iska caadi ah. Waxaan isku diyaarinayay inaan u gudbo Montenegro, baaskiilkeyga ayaana ku fuulayay meel buur ah.

Waxaan maqlay bisad iga daba dhawaaqeysa oo i daba ordeysa. Way i bursaneysay ilaa inta aan buurta ka fuulayay. Marka waan istaagay, meel gees ah ayaan dhigtay baaskiilkii, laakiin bisaddii agteyda ayey imaatay mana aysan iga dhaqaaqeynin. Waan soo qabtay waxaan dhex fariisiyay qeybta hore ee baaskiilka, waxaana u kaxeystay magaaladii ugu sokeysay. Waxaan raadiyay inay cid kasoo luntay.ASHADA

Laakiin ma jirin cid xannaaneysan jirtay. Islamarkiiba garabkeyga ayey soo fuushay wayna huruday, markaasna waxaan go’aansaday inaan saaxiib ka dhigto. Way ii raacday safarkeyga intii iiga harsaneyd oo dhan.”

Qorshihii hore ee uu ku damacsanaa inuu sida ugu dhakhsiyaha badan ku tago Thailand wuxuu ka baxay daaqadda, sababtoo ah Dean waxaa saameyn isbaddal ah ku keentay bisadda uu ku magacaabay Nala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here