Liverpool Oo Gurigeeda Ku Gumaaday Arsenal, Diogo Jota Oo Furtay Akoonkiisa Goolasha.

0
178

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liverpool ayaa gurigeeda ku garaacday Arsenal oo ay ku dubteen 3-1 kulan xiiso lahaa oo ka dhacay garoonka Anfield iyo Diogo Jota uu furtay akoonkiisa goolasha Liverpool kulankiisii ugu horeysay ee Premier League ee Liverpool.

Arsenal ayaa goolka ku hormartay ka dib markii uu u saxiixay Alexander Lacazette laakiin Liverpool ayaa soo laabasho degdeg ah sameysay ka dib goolal ay u kala dhaliyeen Sadio Mane iyo Andy Robertson ka hor inta uusan Diogo Jota oo bedel ku soo galay dhamaadkii ciyaarta uusan dilin ciyaarta isagoo dhaliyay goolka seddexaad.

Liverpool ayaa ku biirtay kooxaha Leicester City iyo Everton oo ah kooxaha kaliya ee ilaa iyo haatan wada badiyay seddexda kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedka Premier League. Halka Arsenal ay soo gaartay guuldaradeedii ugu horeysay xilli ciyaareedka.

Waa kulankii 61aad ee Premier League oo aan Liverpool looga badinin garoonka Anfield. Halka Arsenal ay ku badin la’dahay garoonka Anfield tan iyo sannadkii 2012.

Shaxda Labada Kooxood Ay Ku Soo Galeen:

Liverpool: Alisson, Alexander-Arnold, Robertson, Van Dijk, Gomez, Fabinho, Keita, Wijnaldum, Mane, Salah, Firmino.

Keyd: Adrian, Milner, Jones, Minamino, Jota, Origi, Williams.

Team to play Liverpool: Leno, Bellerin, Tierney, Luiz, Holding, Maitland-Niles, Xhaka, Elneny, Willian, Aubameyang, Lacazette.

Keyd: Runarsson, Gabriel, Saka, Ceballos, Pepe, Nketiah, Kolasinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here