Goolhayihii Ku Fashilmay Liverpool Loris Karius oo Ku Biiray Koox Cusub

0
215

JOWHAR (Radio Isnaay) Goolhayaha Liverpool Loris Karius ayaa dhameystiray heshiis amaah hal xilli ciyaareed ah oo uu ugu wareegay kooxda Jarmalka ee Union Berlin.

Goolhayaha Jarmalka ayaa labadii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay waxa uu amaah ku joogay kooxda Turkiga ee Besiktas, wuxuuna haatan muddo hal xilli ciyaareed ah u dheeli doonaa kooxda Bundesliga ka dhisan isagoo u xiran doona maaliyada lambarkeeda yahay 20.

Markii uu heshiiska amaahda ah u saxiixa kooxda Union Berlin, Karius ayaa yiri: “Waxaan isha ku hayaa fursada cusub ee aan ka helay Berlin, waan ku faraxsanahay inaan mar kale ka ciyaarayo Bundesliga.

Union waa koox gaar ah, waa koox shaqeysatay ixtiraam badan, kaliya ma ahan inay u soo dalacday Bundesliga. Waxaan doonayaa inaan qeyb libaax leh ka qaato horumarkeeda islamarkaana ka caawiyo hamigooda ah inay sii joogaa Bundesliga.”

Agaasimaha kooxda Union Berlin, Oliver Ruhnert, ayaa isna yiri: “Saxiixa Loris Karius waxay la micno tahay inaan helnay goolhaye khibrad weyn u leh dalkaan iyo caalamkaba”

Karius ayaa Liverpool kaga soo biiray kooxda Jarmalka ee Mainz sannadkii 2016, waxaana uu ahaa goolhayaha koowaad ee kooxda ka hor finalkii Champions League ee 2018.

Goolhayaha Jarmalka ayaa labo qaladaad oo waa weyn sameeyay kulankaas oo ay guuldarro ka soo gaartay Real Madrid, wuxuuna garoonka baxay isagoo ooyaya.

Karius waxaa bedelay xagaagii ku xigay Alisson oo ka soo wareegay kooxda AS Roma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here