Nin Bilyaneer ah oo Lacagtiisa Dhan Wada Bixinaya ka Hor inta uusan Dhiman.

0
183

Jowhar – (Radio Isnaay) – Chuck Feeney wuu lahaa riyadaas, laakiin ujeeddadiisu kuma aysan ekeyn inuu bilyaneer noqdo kaliya – maya, yool kale ayuu sameystay.

Hammigaasina waa in lacagta uu heystay oo dhan uu wada bixiyo inta uu wali nool yahay.

Ganacsadahan 89 jirka ah ee u dhashay dalka Mareykanka waxaa hadda u suuragalay yoolkaas, wuxuuna caalamka u kala qeybiyay inta badan lacagtiisii oo ahayd $9 bilyan oo doolar.

Hay’addiisa samafalka ah ee “Atlantic Philanthropies” ayuu Mr Feeney, oo ay walaidiintiisa kala ahaayeen Mareykan iyo Irish, ku bixiyay lacag dhan $570 milyan (£447m) oo loogu talagalay in wax looga qabto cudurka dhimirka ee muddada 40-ka sano ah kasoo jiray dalka Waqooyiga Ireland.

Charles F Feeney wuxuu ku dhashay magaalada Elizabeth, ee gobolka New Jersey, Mareykanka, sanadkii 1931-kii. Xilligii uu dhalanayay waxaa socday saameyn badan oo dadka kasoo gaadheysay xanuunnada walwalba ka imaada.

Hooyadiis waxay kalkaaliso ka ahayd isbitaal, aabbihiisna wuxuu ka shaqeynayay shirkad ceymis ah.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Conor O’Clery, oo wax ka qoray taariikh nololeedka Mr Feeney, ayaa yidhi: “Wuxuu aqristay, aadna uu u jecleystay qormadii caanka ahayd ee uu sameeyay Carnegie, taasoo ku saabsaneyd in qofka hantida leh haddii uu geeriyoodo hantidiisa oo wali u taalla uu dullinimo ku dhimanayo.”

Sanadkii 1982-kii ayuu aasaasay hay’addiisa samafalka ah ee “Atlantic Philanthropies”, taasoo ah hay’ad caalami ah oo lacago ugu deeqda ololeyaal kala duwan oo ka socda caalamka.

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

15-kii sano ee ugu horreysay howlihiisa samafalka, Mr Feeney wuxuu dooqda u bixin jiray si qarsoodi ah, taasoo uu ku kasbaday magaca James Bond-ka deeqda bixiya. Wuxuu howshiisa qarsoodinimada ka saaray sanadkii 1997-kii.

Sida uu sheegay Mr O’Clery, shantiisa carruurta ah (oo kala ah 4 gabdhood iyo 1 wiil) waxaa hanti badan uga tagtay hooyadood, oo ahayd xaaskiisii ugu horreysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here