Hadalkii Ugu Horreeyay Ee Luis Suarez Laga Qabtay Isaga Oo Xiddig Atletico Madrid Ah Kaddib Bixitaanikiisii Barcelona

0
223

JOWHAR (Radio Isnaay) Xiddigii hore ee kooxda Barcelona ee Luis Suarez oo dhawaan ku biiray kooxda kale ee ay ku tartamaan gudaha horyaalka La Liga ee ugu heerka sarreeya Spain ee Atletico Madrid ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dareenkiisa tan iyo heshiiskii uu ku baxay

Suarez ayaa markii ugu horreysay xiddigaha cusub ee ay koox wadaaga noqonayaan la tababartay shalay oo Jimce ahayd kaddib markii uu qaab murugo badan usoo macasalaameeyay kooxdiisii hore ee Barca33 sano jirkaas oo heshiis 2 sano ah u saxeexay Atletico Madrid dhawaan ayaa kasoo baxay Camp Nou isaga oo ah gool dhaliyaha saddexaad ee ugu sarreeya taariikhda Barcelona kaddib markii uu 198 gool kusoo saxeexay 283 kulan

Suarez oo hadda barta Instagram ee Atletico Madrid la hadlay ayaa soo bandhigay dareenkiisa farxadeed isaga oo u mahad celiyay dhammaan dadka farriimaha usoo diray isla markaana sheegay inay xilli ciyaareedka u diyaar yihiin.

Luisito ayaa yidhi “Waan idin salaamay jamaahiirta Atletico, anigu xilli horeba halkan ayaan joogaa aniga oo xidhan maaliyadayda cusub”

“Dhab ahaantii waan ku faraxsanahay inaan ciyaaro oo aan madadaalo ku sameeyo garoonka dhexdiisa, waad ku mahadsan tihiin taageerada iyo dhammaan farriimihiina, haatan waa wakhtigii aynu raaxaysan lahayn ee aynu waxyaabo muhiim ah gaadhi lahayn xilli ciyaareedkan”

Luis ayaa ku dhawaa inuu u wareego dhinaca kooxda Juventus isaga oo xataa tijaabo dhinaca luuqada dalkaas ah galay si loo siiyo degenaanshaha.

Ugu dambayn, Suarez ayaa heshiis 5.5 Milyan Pound ah kaga degay Atletico Madrid kaddib markii uu macalinka cusub ee Barcelona ee Ronald Koeman u sheegay inuusan uga baahnayn kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here