Brighton vs Man United – Red Devils Oo Guushii U Horreysay Raadinaysa, Shaxaha Macquulka Ah Iyo Wararkii U Dambeeyey Labada Kooxood

0
151

JOWHAR (Radio Isnaay) Manchester United ayaa raadinaysa guusheedii ugu horreysay ee xili ciyaareedkan marka ay maanta garoonka Amex Stadium isku haleelaan naadiga Brighton & Hove Albion, waxaana Ole Gunnar Solskjaer oo kulankii hore guul-darro loo xambaariyey uu dagaal u geli doonaa sidii uu guul u gaadhi lahaa.

Labadan kooxood oo guulo kasoo gaadhay kulamadoodii Carabao Cup waxa kale oo ay wada ciyaari doonaan Arbacada toddobaadkan oo ay wareegga 16ka ama wareegga afraad ee Carabao Cup ku kala calaf-qaadi doonaan isla garoonka ay maanta ku ciyaarayaan ee Amex Stadium.Naadiga martida loo yahay ee Brighton waxa usbuucii hore ay lasoo kulantay guul-darro kasoo gaadhay Newcastle United, sidaas oo kalena Manchester United ayaa niyad-jab iyo khasaare weyn loogu geystay garoonkooda Old Trafford oo ay Crystal Palace ku xasuuqday 3-1.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo ciyaartii hore lagu dhaliilay qaabkii xulashada kooxdiisa ayaa waxa la filayaa inuu la iman doono tab iyo xeelad ka duwan middii ciyaartaas, isla markaana uu lasoo shir tegi doono shax ka kaafin doonta inay helaan guusha koowaad ee xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier League oo kaalinta saddexaad ay kaga dhamaysteen fasal ciyaareedkii hore.

Red Devils oo loo diiwaangeliyey guul-darradii saddexaad ee abid kasoo gaadha kulanka furitaanka horyaalka, waxa u wada diyaarsan xiddigahoodii safka  koowaad iyadoo uu ugu soo kordhay Eric Bailly oo kasoo doogay dhaawac.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Brighton vs Manchester United

Tartanka: Premier League, usbuuca saddexaad

Waqtiga: 2;30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Amex Stadium

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Warka ugu wanaagsan ee Manchester  United ay ka heshay kulankii guul-darradu kasoo gaadhay ee Crystal Palace ee toddobaadkii hore, waxa uu ahaa bandhiggii uu muujiyey saxeexa cusub ee Donny van de Beek oo ciyaartiisii ugu horreysay saftay, isla markaana gool dhaliyey inkasta oo ay u ahayd maalin guul-darrado.

Tababare Solskjaer ayaa la filayaa inuu markii ugu horreysay kusoo wada bilaabi doono Van de Beek, Pogba iyo Bruno Fernandes, sidoo kalena waxa afka hore kusoo laaban doona Mason Greenwood oo kulankii hore kaydka la dhigay, waxaana garbihiisa joogi doona Rashford iyo Anthony Martial.

Goolhaye Dean Henderson oo ciyaartii Luton Town kusoo bilowday ayaa laga riixan doonaa biraha dhexdooda, waxaana iman doona David de Gea, laakiin waxa Red Devils ka maqan Axel Tuanzebe iyo Phil Jones oo dhaawacyo ah, halka Chris Smalling uu bannaanka kasii ahaanayo naadiga maadaama uu kasii socdo oo Solskjaer aanu qorshaha ugu jirin.

Dhinaca kale, Yves Bissouma ayaa ka maqan Brighton kaddib casaankii la siiyey kulankii Newcastle oo si shil ah uu wajiga uga laaday Jamal Lewis.

Jose Izquierdo, Florin Andone iyo Christian Walton ayaa dhamaantood aan ciyaartan joogin oo dhaawac ah, halka Dale Stephens la filayo inuu u wareego kooxda Burnley oo aanu ciyaartan safanin.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:

Brighton & Hove Albion: Ryan; White, Dunk, Webster; Lamptey, Propper, Alzate, March; Trossard, Connolly, Maupay

Manchester United: De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw; Pogba, Van de Beek; Greenwood, Fernandes, Rashford; Martial

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here