Heerarka Cudurka Covid-19 Ee Qaarada Africa oo hoos u dhacay.

0
159

JOWHAR (Radio Isnaay) Iyadoo dalal ka tirsan Yurub iyo dalka Mareykanku ay la dagaalamayaan tirada ugu sareeysa ee kiisaska fayraska karoona,ayaa haddana dhanka kale dalal badan oo ka tirsan qaaradda Afrika waxaa hoos u dhacay kiisas cudurka .

Hoos u dhacaan dalalka Afrika waxaa loo sababeynayaa arrimaha bulshada iyo deegaanka ,waxaana Hay’adda caafimaadka aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ee WHO, ay ku ammaantay dalalka Afrika talaabooyinka xakameynta faafitaanka cudurka ee ay qaadeen .

Si kasataba ha noqotee qaar ka mid ah dalalka qaaradda wali waxaa ka jira sare u kac dhanka kiisaska fayraska karoona ah.

Sida laga soo xigtay WHO, afartii toddobaad ee la soo dhaafay Afrika,waxaa la diiwaan galiyay 77,147 oo kiis, taas oo ka hooseysa 131,647 oo kiis isla markaana afartii toddobaad ee ka horreeyey la diiwaan galiyay.

“Afrika ma aysan arkin faafitaan saaid ah ee ‘Covid-19’ oo dad badani ay markii hore cabsi qabeen,” ayay tiri Dr Matshidiso Moeti, oo ah agaasimaha WHO ee Afrika.

“Hoos u dhaca ku yimid ee aan ku aragnay Afrika labadii bilood ee la soo dhaafay shaki la’aan waa horumar wanaagsan waxayna muunineysaa talaabooyinka adag ah ee caafimaadka bulshada ah ee ay qaadaan dowladaha gobolka oo dhan,” ayay raacisay hadalkeeda .

Warbixin ay soo saartay, WHO ayaa lagu sheegay dhowr waxyaabood oo loo aaneynayo hoos u dhaca kiisaska fayarska karoona ee dalalka Afrika,waxaana ka mid ah cimilada kulul iyo da’yarta oo ku badan qaaradda taas oo gacan ka gaysatay in tirada dhimashada ay yaraato.

Ku dhowaad 1.5 milyan oo qof oo ku nool Afrika ayaa la xaqiijiyay inay qaadeen cudurka ‘coronavirus’ iyadoo ku dhowaad 35,000-na ay u dhinteen.

Mareykanka oo ah waddanka uu sida ba’an u saameysey dunida oo dhan ayaa dadka qaaday fayarska waxaa ay gaarayaan dhowaad toddobo milyan oo qof halka dhimashaduna ay gaartay in ka badan 200,000.

Walaaca ka jira Afrika ayaa ah tirade dadka laga baaray cudurka waxaana la ogyahay tiro yar oo ka mid ah dalalka Afrika ee sameyay baaritaano wanaagsan.

Ururka caafimaadk aduunka ee WHO ayaa ku boorinaya dalalka Afrika in aysan is cajibin oo aaney is dhigin iyadoo dalalka Ivory Coast iyo Cameroon ay wali ka jiraan kor u kac dhanka kiisaska Covid-19 ah .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here