Qiimaha Dahabka Suuqyada Caalamka oo Sare u Kacay.

0
165

Jowhar – (Radio isnaay) – Bishii lasoo dhaafay, qiimaha lagu kala iibsado dahabka ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyay, 30-kii garaam ayaana kor u dhaafay $2,000 (£1,575).

Maadaama qiimahan ay sare u kiciyeen dadka ka ganacsada dahabka, waxaa soo baxay su’aalo la iska weydiinayo inta uu la egyahay dahabka laga heli karo caalamka iyo goorta laga yaabo inuu gabi ahaanba dhammaado.

Waxaa hubaal ah in qof kasta uu doonayo dahab, dhaqaale badanna laga sameeyo marka laga sii ganacsado.

Laakiin waxaa iyana xaqiiqo ah in kheyraadkan uu leeyahay meel uu ku dhammaado, lana gaadhi doono mar aan duni oo dhan lagu arki doonin.

Khubaradu waxay ka hadlayaan mowduuc ku saabsan heerka ugu sarreeya dahabka – oo ah marka aan dunida ka qodanno dahabkii ugu badnaa hal sano gudaheed. Qaarkood waxay aaminsan yihiin in heerkaas horayba loo gaadhay.

Wax soo saarka dahabka lasoo qodo wuxuu sanadkii lasoo dhaafay ee 2019-kii gaadhay 3,531 tan, taasoo 1% ka hooseysay tirada dahabkii lasoo saaray sanadkii 2018-kii, sida uu shaaciyay Golaha Dahabka ee Adduunka.

Hoos u dhacaas wuxuu ahaa kii ugu horreeyay ee la arkay tan iyo sanadkii 2008-dii.

“Iyadoo laga yaabo in wax soo saarka kheyraadka dabiiciga ah ee dahabka uu hoos u dhaco sannadaha soo socda,

maadaama godadka hadda laga soo qodo aad looga dhammeeyay, god cusub oo weyn in la helana ay dhif sii noqoneyso, taaso waxay muujineysaa in mar kale aan la arki karin wax soo saarka dahabka oo heerkii ugu sarreeyay gaadhay,” ayuu yidhi Hannah Brandstaetter, oo ah afhayeen u hadlay Golaha Dahabka Adduunka.

Xitaa marka la arko wax soo saarkii ugu badnaa, khubaradu waxay sheegayaan in sannadaha kusii xiga aan la arkeynin hoos u dhac saameyn badan leh. Taas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here