Kooxda Chelsea oo Xasuuq Ku Bilowday Tartanka Carabao Cup ee Dalka Britain.

0
145

Jowhar – (Radio isnaay) – Chelsea ayaa xasuuq u geysatay kooxda yar ee Barnsley oo ay isku haleeleen wareegga saddexaad ee tartanka Carabao Cup, kulan ay Chelsea ugu soo bilowdeen xiddigaha cusub ee ay xagaagan lasoo wareegtay ee Thiago Silva iyo Kai Havertz, waxaanay ku garaacday 6-0.

Tammy Abraham ayaa Chelsea u bilaabay gool-dhalinta daqiiqaddii 19aad, waxaanu shabaqa dhex dhigay kubbad uu ka faa’iidaystay qalad ay sameeyeen difaaca Barnsley oo uu ka cidhiidhsatay, taas oo inkasta oo ay u muuqatay qalad haddana uu garsooraha ciyaartu tilmaamay inay tahay sax oo uu goolkaasi yahay furaha kulanka.

Blues oo si weyn uga gacan-sarraysay Barnsley oo heerka labaad ah ayaa waxa gool labaad u dhaliyey saxeexooda cusub ee Kai Havertz oo si qabow u dhamaystiray kubbad uu ka helay Mason Mount sagaal daqiiqadood kaddib goolka hore.

45kii daqiiqadood ee qaybta hore ayay Chelsea samaysay fursado badan, waxaanay ku dhowaadeen inay dhaliyaan goolal badan oo kale laakiin waxa u babac-dhigay goolhaye Baradley Collins oo inkasta oo laba gool la dhaafiyey haddana fursado kale badbaadiyey.

Qaybtii labaad ayay Chelsea heshay taatikadii ay goolasha kaga dhalin lahayd Barnsley, waxaana laba daqiiqadood oo kaliya markii ay socotay qaybta dambe goolka saddexaad u dhaliyey weeraryahanka laacibka khadka dhexe ee Ross Barkley, waxaana ku xigay oo laba gool oo daran doorri ah oo kale raaciyey Kai Havertz oo xaqiijistay saddexleydiisii ugu horreysay ee waayihiisa Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here