Dalalka Qaaradda Afrika oo lagu Amaanay Xakameynta Viruska Corona.

0
162

Jowhar – (Radio isnaay) – Xarunta Afrika ee xakaameynta cudurada ee loo soo gaabiyo CDC, ayaa sheegtay in marka qaaradaha kale la eego sida dhibaatoyiinka uu ugu geystay Covid-19 ay qaaradda Afrika ka yartahay isla markaana la xakameyay saameyntiisa.

Waxaa aad u hooseysa tirada dhimashada qaaradda Afrika marka loo barbar dhigo dalalka kale ee caalamka.

Madaxa xarunta xakameynta cudurada ee qaaradda Afrika ayaa waxaa uu ku ammaanay sidii ay dalalka qaarddu u maareyeen xakamaeynta faafidda feyriska karoona.

Qaaradda Afrika ayaa ayaa waxaa uu cudurka guud ahaan soo ritay 1.4 milyan oo qof Tan iyo bishii February waxaa cudurka u dhintay 34,000 oo qof.

Tirada ayaa marka la barbardhigo qaaradaha Yurub, Asia iyo Mareykanka si aad ah ugu hooseysa, islamarkana waxaa hoos u sii dhaceysa tirda uu haatan cudurku soo ridanayo.

Feyriska karona oo si degdeg ah looga bixiyay jawaab ayaa door muhiim ah ka ciyaartay xakameynta cudurka iyo in uu faafo waxaa sidaasi BBC-da u sheegay madaaxa xarunta xakaameynta cuduradaee qaaradda afrika Dr John Nkengasong.

Waxaa uu sidoo kale uu sheegay in qaaradda oo dadka ku nool ay u badan yihiin dhalinyaro ay gacan ka geysatay in tirada dhimashada ay yaraato.

Madaxa xarunta xakameynta cudurada ee qaaradda Afrika Dr John ayaa dhanka kale u aaneeyay habka wanaagsan ee feyriska loo xakameeyay in ay tahay qaaradda oo lahayd khibraado ku aadan cudurada faafa sida Ebola oo casharo badan laga bartay.

Xaruntaan loo soo gaabiyo CDC ayaa ah hay’adda 55 dal ee midowga Afrika u qabailsan Caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here