Dowladda Sacuudiga oo Sheegtay in Dib Loo Billaabayo Gudashada Cumrada.

0
179

Jowhar – (Radio Isnaay) –  Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in ay ogolaaneyso gudashada Cimrada iyo gelitaanka Masjidka Nabiga laga billaabo 4-ta October 2020.

Bayaan kasoo baxay wasaaraddda arrimaha gudaha ee Sacuudiga ayaa lagu yiri “ iydoo la raacayo talada dhaqaatiirta, lana tix gelinaayo baahida ay dadka muslimiinta u qabaan inay soo booqdaan masjidka nabiga NN iyo goobaha barakeysan, waxay mas’uuliyiinta Sacuudigu go’aansadeen in muslimiinta loo ogolaado inay gutaan cimrada”.

Mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaas ayaa sheegay in marka hore loo ogolaanaayo muwaadiniinta  iyo dadka deggan Sacuudiga  inay tira xaddidan u cimraysan kadibna loo wada ogolaan doono musliimiinta kale ee daafaha dunida ka imaanaya.

Dowladda Sacuudiga ayaa sannadkaan baajisay gudashada cimrada iyo xajka iydoo ka taxadireysa faafidda Karona iyo bad qabka Muslimiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here