Milkiilaha Chelsea Roman Abramovich La Ogaaday Inuu Leeyahay Dhowr Ciyaartoy Oo U Dheela Kooxa La Xafiiltama Chelsea

0
167

JOWHAR (Radio isnaay)Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa maalgashi sir ah ku sameystay ciyaartoy aysan laheyn kooxdiisa sida lagu ogaaday baaritaan la sameeyay.

Ciyaartoyda uu leeyahay Roman Abramovich waxaa ka mid ah xiddiga garabka ka ciyaara ee Peru u dhashay Andre Carrillo kaasoo ka horyimid Chelsea kulamo Champions League sannadkii 2014.

Roman Abramovich ayaa ah milkiilaha shirkad ka dhisan jasiirada British Virgin Islands kuwaasoo iibsada xuquuqda ciyaartoyda.

Afhayeen u hadlay Roman Abramovich ayaa carabka ku adkeeyay inaysan jirin sharci la jabiyay.

Laakiin gudoomiyihii hore ee xiriirka kubada cagta Ingariiska Lord Triesman ayaa su’aal ka keenay sida uu milkiile kooxeed uu u lahaan karo ciyaartoy kooxo kale.

Dukumiintiyo si qarsoodi ah loo helay ayaa muujinaya in Mr Abramovich uu yahay milkiilaha shirkad qarsoodi aheyd oo lagu magacaabo Leiston Holdings.

Shirkada Leiston ayaa iibsaneysay xuquuqda ciyaartoyda qaarkood iyagoo lahaansho seddexaa sameynayay sida heshiiskii Neymar uu ku joogay kooxda Santos oo kale.

Shirkadaana ayaa ka faa’ideysata kooxaha dhaqaale darada ay heyso iyagoo qeyb ka bixiya lacagta ciyaaryahanka islamarkaana faa’ido weyn ka sameeya marka ciyaaryahanka la iibsado mustaqbalka.

Ganacsiga ceynkaan oo kale ah waxaa laga mamnuucay horyaalka Premier League sannadkii 2008, laakiin waxaa guud ahaan caalamka laga mamnuucay sannadkii 2015.

Chelsea ayaa wajahday Sporting Lisbon wareegii group-yada ee Champions League sannadkii 2014.

Carrillo ayaa u saftay Sporting labadii lug ee wareega group-yada.

Sidaasi darteed kulankii Lisbon ee bishii September iyo kulankii Stamford Bridge ee bishii December, Mr Abramobich waxaa garoonka ugu jiray 12 ciyaaryahan uu isagu leeyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here