Roberto Firmino Oo Sabab U Ahaa Qaladkii Kepa Ee Goolkii Mane & Doorkii Waalida Ahaa Ee Uu Qaatay.

0
138

Jowhar – (Radio Isnaay) – Guushii 2-0 ka ahayd ee ay Axadii kasoo gaadheen kooxda Chelsea, Liverpool ayaa caddaysay inay wali tahay kooxda ay tahay in la garaaco haddiiba horyaalka ay ku guuleysanayso cid aan iyaga ahayni.

Kooxda difaacanaysa Premier League oo bilaw argagax leh kasoo badbaaday kulankii furitaanka ee ay Leeds United qaabileen ayaa saddexda dhibcood kasoo qaatay kooxda muuqaalka cusub ee Frank Lampard iyagoo uga mahad celinaya laba gool oo uu qaybtii dambe Sadio Mane dhaliyay.

Goolka koowaad ee kulankaas ayaa ahaa mid uu Mane madax si qurxoon ugu dhaliyay kaddib kubad sarre oo uu ka helay Roberto Firmino xilli ay ka horreysay ciyaar baas ku dhisnayd oo cajiib ahi.

Goolka labaad ee uu dhaliyay Mane ayaa ahaa mid uu qaladka iyo masuuliyada buuxda lahaa goolhayaha Chelsea ee Kepa Arrizabalaga.

Kepa oo ku dhex jira xaalad kalsooni darro oo culus ayaa arkay baaskiisa oo uu dhex galay Mane isla markaana dhaliyay goolka labaad ee dilay rajadii Blues oo marka horeba casaan qabay.

Walow uu goolku si shaki la’aan ah u ahaa qaladka Kepa haddana jamaahiirta kubadda cagta ayaa baraha bulshada ku wadaagaya muuqaal xiiso badan oo muujinaya doorkii uu Roberto Firmino ku lahaa goolkaas muuqaal gaabis ah.

Muuqaalka ayaa muujinaya weeraryahanka ree Brazil oo eegaya Kepa isla markaana ku qaylinaya isaga oo farta ugu fiiqaya Jorginho, intaas kaddib Kepa ayaa isku dayay inuu baaska Jorginho u dhiibo taas oo dhalisay inuu Mane dhexda ka helo.

Dhacdadan ayaa ah midkale oo kamida shaqooyinka nooca badan ee aan gool dhalinta u badnayn ee uu Firmino garoonka dhexdiisa kaga caawiyo Reds.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here