Wasaaradda Waxbarashada Hirshabeelle oo la Wareegtay Dugsiga Horseed ee Magaalada Jowhar.

0
187

Jowhar – (Radio Isnaay) – Wasaaradda Waxbarashada Hidaha Iyo Tacliinta Sare ee Hirshabeelle ayaa la Wareegtay Gacan ku Heynta Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Horseed kaas oo mudo 21 Sano ahaa Mid Si Gaar ah Loo Leeyahay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Hirshabeelle Abuukar Xasan Abuukar ayaa Munaasabad Kooban oo lagu Qabtay Dhismaha Dugsigaasi kaga Dhawaaqay in Maamulka Hirshabeelle uu la Wareegay Dugsiga Horseed isaga oo sheegay in Dhammaan Ardayda ay Bilaash ku Dhigan Doonaan.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya:- Cabdi wali Axmed Hilowle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here