WHO Oo Ogolaatay Tijaabada Dawo-dhireedka Afrika

0
147

JOWHAR (Radio isnaay) Sida sayniska uu yahay waa in lala qabsado aasaaska badqabka iyo waxtarka dawooyiinka dhaqanka, sida ay hay’adda sheegtay.

Dawo kasta oo dhaqan ah oo la caddeeyo in ay waxtar leedahay, waxay noqoneysaa mid si degdeg ah loo soo saaro, looguna adeegsado daweynta ama ka hortagga coronavirus.

Madaxweynaha dalka Madagascar ayaa horey u buunbuuniyay dawo dhaqameed aan tijaabo lagu sameyn. Wuxuu sheegay in fayraska ay dawo u tahay in kastoo WHO ay diidaneyd in la isticmaalo wax aan la tijaabin.

WHO waxay sheegtay in qaababka cusub ee tijaabada ay tahay arrin lagu dhiiragelinayo saynisyahannada Afrika si ay tijaabo waxtar leh ugu sameeyaa dawada.

Tallaabadan waxay ku soo aadeysaa xilli kiisaska coronavirus ee caalamka ay dhaafeen 30 milyan, iyadoo daafaha caalamka ay ugu dhinteen in ka badan 957,000 oo qof.

Illaa 1.3 milyan oo kiis ayaa Afrika laga soo sheegay, waxaana ku dhimatay 33,000.

Qiyaas ahaan, 140 nooc oo tallaal oo loo diyaarinayo Covid-19 ayaa daafaha caalamka laga soo saaray, qaar ka mid ahna waxaa lagu sameeyay tijaabada bini-aadamka.

Dadaalladaas oo dhan ka dib, waxaa si rasmi ah loo fasaxay in dawada dhaqanka Afrika ay gasho wejiga seddaxaad ee tijaabada.

Guddi khubaro ah oo ay soo wada saareen WHO, Xarunta ka hortagga Cudurada ee Afrika iyo Midowga Afrika, ayaa isku raacay hannaanka ay u marayaan tijaabada.

Wejiga seddaxaad ee tijaabada waxaa lagu eegaa badqabka iyo waxtarka dawada oo ay ka qeybgalayaan dad badan oo iskood isu soo saaray.

“In la raaco dikumiintiyo farsamo, waxay xaqiijineysaa in caalam ahaan ay noqoto mid la aqbali karo cadeynta waxtarka dawo-dhaqameedka si loogu daweeyo Covid-19, waxaana la soo saarayaa iyadoo la dadka lagu tijaabiyay,” ayuu yiri Prof Motlalepula Gilbert Matsabisa, oo ah gudoomiyaha guddiga

.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here