Real Madrid Oo Barbarro Goolal La’aan ah Ku Bilaabatay Horyaalka Spain.

0
158

Jowhar – (Radio Isnaay) – Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa xili ciyaareedka cusub ee 2020-21 ku bilaabatay barbarro goolal ala’aan ah oo ay la gashay Real Sociedad oo ay marti u ahayd, taas oo labada kooxood ay awoodi waayeen inay wax goolal ah kala dhaliyaan.

Real Madrid oo horaayalka difaacanaysa ayaa rajaynaysay inay guul ku bilaabo xili ciyaareedka, isla markaana ay saddexda dhibcood ee ugu horreeya helaan kulankooda koowaad, hase yeeshee waxa bandhig wanaagsan la timid Sociedad oo xataa ku dhowaatay inay shabaqa Real Madrid soo taabato.

Zinedine Zidane ayaa ciyaarta kusoo bilaabay shax ay ku badan yihiin da’yartu, waxaana Karim Benzema, Toni Kroos iyo Sergio Ramos oo fursado helay ay awoodi waayeen inay shabaqa soo taabtaan, iyadoo ugu dambayntiina ay garoonka kala baxeen hal dhibic oo u noqonaysa furihii fasal ciyaareedka cusub.

Shaxdii labada kooxood

REAL MADRID (4-3-3): Thibaut Courtois; Ferland Mendy, Sergio Ramos, Raphael Varane, Dani Carvajal; Martin Odegaard, Toni Kroos, Luka Modric; Vinicius Junior, Karim Benzema, Rodrygo.

Kaydka: Alvaro Odriozola, Federico Valverde, Casemiro, Marcelo, Borja Mayoral, Diego Altube, Nacho, Luka Jovic, Andriy Lunin.

REAL SOCIEDAD (4-2-3-1): Alex Remiro; Aihen Munoz, Aritz Elustondo, Robin Le Normand, Andoni Gorosabel; Mikel Merino, Ander Guevara; Ander Barrenetxea, Mikel Oyarzabal, Portu; Alexander Isak.

Kaydka: Diego Llorente, Roberto Navarro, Jon Pacheco Dozagarat, Jeremy Blasco, Jon Bautista, Nacho Monreal, Modibo Sagnan, Adnan Januzaj, David Silva, Roberto Lopez, Miguel Angel Moya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here