Liverpool oo Cashar U Dhigtay Chelsea iyo Sadio Mane oo Labo Gool Dhaliyay.

0
189

 Jowhar – (Radio Isnaay) – Liverpool ayaa garoonka Stamford Bridge ku dishay kooxda Chelsea oo 10 ciyaaryahan ku dheeleysay qeybtii labaad oo dhan iyagoo ku dubtay 2-0 ka dib labo gool uu u dhaliyay Sadio Mane halka goolhayahooda ugu qaalisan dunida uu sameeyay qalad weyn oo gool u sahlay Liverpool.

Thiago Alcantara ayaa ciyaaray kulankiisii ugu horeysay ee Liverpool, inkastoo uu ahaa xiddiga ugu kubad taabashada badan qeybtii labaad ee ciyaarta hadana waxa uu galay rigoore balse waxaa badbaadiyay goolhaye Alisson oo rigoorada ka bixiyay Jorginho.

Liverpool ayaa lix dhibcood ka heysata labo kulan oo ay ciyaareen ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan halka Chelsea ay seddex dhibcood leedahay.

Labada tababare ayaan waxba isku reebay kulankii maanta iyadoo tababare Frank Lampard uu ku soo bilaabay mar kale saxiixyadiisa cusub Timo Werner iyo Kai Haverz halka Jurgen Klopp uu ku soo shirtagay shaxdiisa caadiga ah marka laga reebo in Fabinho lagu soo bilaabay booska daafaca dhexe madaam Joe Gomez uu dhaawac ku maqan yahay halka saxiixa cusub Thiago Alcantara uu kursiga keydka ku soo bilowday.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxay aheyd mid lagu yara caajisay iyadoo labada kooxood ay ciyaarayeen kubad ay feejignaan ka muuqato, waxaa jiray fursad aan dhameystir laheyn oo ay labada kooxood abuureen kuwaasoo ay ku lug lahaayeen Mohamed Salah iyo Timo Werner laakiin wax intaas dhaafsiisan ma aysan dhicin.

Waxay ciyaarta isdaba rogtay dhamaadkii qeybta hore markii Chelsea ay 10 ciyaaryahan noqotay iyadoo casaan laga siiyay daafaca dhexe Andreas Christensen markii uu qalad ku galay Sadio Mane oo goolka aysan cidna ka xigin ka dib baas qurux badan uu ka helay kabtan Jordan Henderson.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here