Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Man United vs Crystal Palace oo la Shaaciyay.

0
123

Jowhar – (Radio Isnaay) – Manchester United ayaa ciyaareysa kulankeedii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan ee horyaalka Premier League, iyagoo kooxda Crystal Palace ku soo dhaweynaya garoonka Old Trafford.

Kulankii ugu danbeeyay ee Crystal Palace booqato Old Trafford waxay ku heshay guusheedii ugu horeysay ee ay abid ka gaarto Man United taariikhda Premier League ka dib 20 jeer oo ay isku dayeen.

Kooxda Ole Gunners Solskjaer ayaa ah kooxda kaliya ee aan laga badinin tan iyo bartamihii bishii Juun markii dib loo bilaabay kubada cagta Ingariiska, waxayna rajeynayaa inay sii wadaan guulahii ay ku dhameysteen xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Saxiixa cusub Donny van de Beek ayaa la filayaa inuu ciyaaro kulankiisii ugu horeysay ee Man United iyo horyaalka Premier League isagoo lagu soo bilaabay kursiga keydka.

Xiddiga reer Holland ayaa ah saxiixa kaliya ee ay ilaa iyo haatan Manchester United sameysay. Tababare Solskjaer ayaa khadka dhexe ku soo bilaabay McTominay, Pail Pogba iyo Bruno Fernandes iyadoo labada xiddig danbe aysan muddo dheer tababar la sameynin kooxda.

Dhanka weerarka waxaa hogaaminaya Anthony Martial iyadoo ay caawinayaan Daniel James iyo Marcus Rashford halka Mason Greenwood kursiga keydka la dhigay ka dib fadeexadii ka soo raacday xulka England.

Dhanka daafaca Lindelof iyo Maguire ayaa wadnaha daafaca ka dheelaya halka Fosu-Mensah lagu soo bilaabay garabka midig ee daafaca iyadoo Wan-Bissaka uu kursiag keydka fadhiyo halka Luke Shaw uu taam u noqday booska daafaca bidix.

Dhanka goolhaye David de Gea ayaa weli ah goolhayaha koowaad ee Man United iyadoo Dean Henderson uu kursiga keydka fadhiyo.

Phil Jones, Axel Tuanzebe iyo goolhaye Sergio Romero ayaa seegaya kulanka maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here