Miyuu  Thiago Alcantara Diyaar U Noqon Karaa Kulanka Liverpool & Chelsea?

0
138

Jowhar – (Radio Isnaay) – Kulanka ugu soo horeeya ee ay laba kooxood oo waa wayn xili ciyaareedkan horyaalka Premier league ka dhici doonaya ayaa axada Stamford Bridge ku dhex mari doona kooxaha Chelsea iyo Liverpool.

Laakiin kulankan ayay tartan wayn ugu jiraan in xidigo ka maqnaa kooxda Chelsea ay diyaar u noqon karaan halka Liverpool ay rajaynayso in saxiixa cusub ee Thiago Alcantara uu diyaar u noqon karo in uu kooxdeeda qayb ka noqdo kulanka Blues.

Inkasta oo ayna wali Liverpool si rasmi ah u dhamaystirin heshiiska Thiago Alcantara, haddana waxay wararku sheegayaan in Reds iyo Thiago ay waqtiga la baratamayaan in ay suurtogal uga dhigaan in uu qayb ka noqon karo kooxda Jurgen Klopp ee kulanka Stamford Bridge.

Thiago Alcantara ayaan waqti badan garoomada ka maqnayn kadib markii uu kooxdiisa Bayern Munich kula soo guulaystay koobka Champions League dhamaadkii bishii la soo dhaafay, wuxuuna markiiba tababarka la bilaaban doonaan kooxda Reds.

Dhinaca kale waxaa tartan ku jira Thiago Silva iyo Ben Chilwell kuwaas oo rajaynaya in ay qayb ka noqdaan kooxda Frank Lampard ee Blues kulanka ay marti galinayaan kooxda koobka Premier league haysata ee Liverpool.

Thiago Silva oo si xor ah ugu soo wareegay Chelsea iyo Ben Chilwell oo ay Blues lacag badan ka soo bixisay ayaa dib ugu soo laabtay tababarka Chelsea waxayna u dagaalamayaan in ay qayb ka noqdaan kulanka ay Blues la ciyaari doonto Liverpool.

Thiago Silva ayaan waqti badan garoomada ka maqnayn kadib markii uu kooxdiisa PSG u soo ciyaaray finalkii Champions League wuxuuna doonayaa in uu boos ka helo shaxda Lampard inkasta oo ay adag tahay in uu kulanka Liverpool ku soo bilaaban karo.

Lampard ayay xoojin wayn u noqon doontaa in uu kulanka Liverpool kooxdiisa dib ugu helo saxiixyada cusub ee Thiago Silva iyo Ben Chilwell halka Klopp uu rajaynayo in ugu yaraan Thiago Alcantara uu kooxdiisa ula safri doono London.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here