Dowladda Shiinaaha oo iska Fogeysay Eedeymaha uu Mareykanka u jeediyay.

0
136

Jowhar – (Radio Isnaay) – Shiinaha ayaa difaacay siyaasadiisa muranka badan dhalisay ee ku aadan Muslimiinta laga tirada badan yahay ee gobolka Xinjiang, maalmo uun kaddib markii dowladda Mareykanka ay mamnuucday in dalkeeda la soo geliyo badeecadaha ka imaanaya gobolkaasi.

Xukuumada Beijing ayaa xeryo dhawr ah oo lagu hayo dadka Muslimiinta ahi ee laga tirada badan yahay ee gobolkaasi kala kulantay cambaareyn caalami ah.

Balse warbixin qoraal ah oo ay Beijing soo saartay ayaa lagu sheegaya in malaayiin shaqaale ah ay ka faa’iideysteen “waxbarasho iyo tababar xirfadeed” oo laga hirgeliyay xeryahaasi.

Mareykanka ayaa xeryahani ku tilmaamay kuwo lagu dhaqan doorinayo isla markaana lagu ciqaabayo dadyowga Muslimiinta ahi ee deggan gobolkaasi Xinjiang, waxa uuna xayiraad ku soo rogtay siyaasiyiin Shiinaha u dhashay oo la sheegay in ay ku lug leeyihiin xeryahaasi.

Toddobaadkan uu Mareykanku xannibay qaar ka mid ah badeecadaha laga soo dhoofiyo gobolkaasi Xingjiang, kuwaa oo uu sheegtay in sameeyeen dad la adoonsado oo lagu shaqeysto.

Warbixinta Shiinaha ayaa lagu sheegay in “tababarrada xirfadeed” ee lagu bixiyo gobolkaasi ay soo kordhiyeen fursado shaqo isla markaana wax weyn ka tareen la dagaallanka saboolnimada.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in tababarradani ay ka mid yihiin luuqadda Mandarin oo inta badan looga hadlo dalkaasi Shiinaha, farsamada gacanta iyo qaabka loogu noolaado magaalooyinka waaweyn.

Warbixintani ayaa intaasi ku dartay in dadka ku dhaqan dhulka miyiga ahi ay haatan billaabeen ganacsiyo iyaga u gaar ah ama waxay shaqooyin ka heleen wershadaha dalkaasi kaddib markii ay taageero ka heleen dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here