Jowhar – (Radio Isnaay) – Waxaa sii kordhaaya Saameyntii ka dhalatay Fatahaadaha Wabiga Shabeellle ee Deegaanada Gobolkani shabeellaha dhexe gaar ahaan Degmooyinka Jowhar, Mahadaay iyo Balcad iyado sanadkan ay baaba’een dhul bereedyo lagu qiyaasay in kabadan hal malyan oo hectar waxaana ku beeranaa Dalagyo kala duwan sida uu sheegay Maamulka Gobolka Shabeellaha Shexe.
Marka laga soo tago saameynta dhul bereedyada waxaa jira qoysas badan oo ka barakacay guryihii ay daganaayen kuwaas oo qaarkood hadda ku nool xerooyin barakac oo ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho.
Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya :- Cabdi Casiis Xasan Cabdulle.