Seynisyahano ka Hadlay  Dhimashada Joogtada ah ee Shimbiraha  Mareykanka.

0
134

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Khubarada ku takhasustay cilmiga noolaha ee gobolka New Mexico ee dalka Mareykanka ayaa qeylo dhaan ka muujiyay dhimashada xad dhaafka ahi ee shimbiraha gobolkaasi kaddib markii maalmihii la soo dhaafay la arkay bakhtiga kumannaan shimbiro ah.

Martha Desmond oo ah bare-sare oo ka tirsan jaamacada New Mexico ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegtay in ilaa haatan aan la ogayn sababta ay shimbiruhu u dhamaanayaan balse ay suurtagal tahay arrin la xiriirto qiiqa dababka lixaadka leh ee ka gubanayo kheymaha dalkaasi ama xitaa cimilada qabow ee in dhawaale ka jirtay dalkaasi.

Tirada dhimashada shimbiraha ayaa hadda laga yaabaa in ay tahay “malaayiin”, ayay tiri Martha Desmond.

Seynisyahanno ayaa horey u sheegay in tirada shimbiraha waqooyiga Ameerika ay si aad ah hoos ugu dhacday sanaddadii la soo dhaafay.

Qiyaastii saddex bilyan oo shimbirood ayaa ku dhintay waddamada Mareykanka iyo Canada 50-kii sano ee la soo dhaafay.

Khubarada ayaa dadka ka codsaday in ay soo sheegaan marka ay arkaan shimbiraha dhintay si daraasad dheeraad ah loogu sameeyo.

Dadka qaar ayaa sheegaya in Shimbiraha qaar la arkayay iyagoo u dhaqmayo si aan horey looga baran ka hor inta aysan dhiman.

SERVICE-SANTA FE NATIONAL FOREST

Gobollada deriska ah ee sida Colorado, Arizona, iyo Texas ayaa sidoo kale soo sheegaya dhimashada tiro badan oo shimbiro ah.

Qiiqa tirada badan ee ka dhashay dabka ka holcaya kaymaha ayaa loo aaneynayaa in uu saameyn ku yeeshay sambabada shimbiraha ama xitaa ku qasbay shimbiruhu in ay beddelaan dhulkii ay u barabixi jireen. Sida ay sheegtay Desmond,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here