Milkiileyaasha Kooxaha Premier League Oo Qiimayn Lagu Sameeyey.

0
128

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Milkiileyaasha kooxaha horyaalka Premier League ayaa lagu sameeyey qiimayn xilli horyaalku hadda uun bilaabmay oo naadiyada qaarkood ka faa’iidaystay suuqa kuwo kalena ay illaa hadda ku jiraan oo ay ku dedaalayaan inay saxeexyo awooddooda sare u qaada sameeyaan inta ka horreysa October 5.

Isniintii, Swiss Ramble ayaa soo bandhigay xaddiga lacageed ee ay koox kasta oo Premier League ah kharas-garaysay shantii sannadood ee ugu dambeeyey, waxaanu daaha ka fayday kooxaha lacagtoodu shaqaysay ee koobabka ku qaaday iyo kuwa khasaaraha oo kali ahi kasoo gaadhay ee aanay waxba uga soo noqonin.

Chelsea waxay shantii sannadood ee ugu dambeeyey ka faa’iiday mulkiilaheeda Roman Abramovic oo uu maalgelin ahaan u siiyey lacag dhan £440 milyan oo Gini, halka Manchester United ay iyadu lacag siinaysay mulkiileyaasha qoyska reer Galazers oo ay xisaabtooda ugu shubtay lacag dhamayd £89 milyan oo Gini.

Kaddib xogtan iftiimisay kala duwanaanshaha mulkiileyaasha kooxaha, waxa qiimayn lagu sameeyey sida ay u kala wanaagsan yihiin mulkiileyaashu, waxaana booska koowaad soo galay shaqsi aanad filayn, halka kan ugu liita ee ugu xunna uu yahay mid aad qiyaasi karto oo sannadihii ugu dambeeyey ay xataa taageereyaashu ku mudaharaadee.

Mulkiilaha naadiga Newcastle United oo uu ka fashilmay qorshe uu ku doonayay inuu Saudi Arabia kaga iibiyo kooxda ayaa noqday kan ugu xun mulkiileyaasha sida ay muujisay qiimayn la sameeyey. Mike Ashley ayaa kooxda soo lahaa muddo 13 sannadood ah, waxaanu uga dhaartay in maalgelin hagaagsan uu ku sameeyo, taas oo keentay inay marna u degto heerka labaad haddana kusoo laabato Premier League.

David Gold iyo David Sullivan oo ah mulkiileyaasha West Ham United ayaa iyaguna noqday kuwa labaad ee ugu xun, halka The Glazer Family oo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here