Arsenal oo Taariikh Ay Afar Sano Ka Soomanayd Gaadhay & Dhismaha Mikel Arteta oo La Dareemayo.

0
127

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Arsenal ayaa toddobaadkan guul qurux badan ku furatay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkiisa 2020-21 kulan ay booqdeen kooxda ay London wada dagan yihiin ee Fulham oo ay 3-0 kusoo xaaqeen.

Arsenal ayaa ka xaadirtay gegida Craven Cottage iyadoo doonaysa inay saddexda dhibcood kala timaado, Alexandre Lacazette ayaa bandhiga goolasha furay kahor inta aysan Gabriel Magalhaes iyo Pierre Emerick Aubameyang shabaqa booqan.

Iyadoo uu Mikel Arteta gudaha xilli ciyaareedkii hore noqday tababaraha cusub ee Gunners, macalinka ree Spain ayaa xilli ciyaareedkiisii koowaad ee dhammaystiran la bilaabanaya kooxda iyadoo wax weyn laga filan karo.

Mikel ayaa dareenkii guuleed kusoo celiyay Emirates Stadium isaga oo mudada tirsan ee uu macalinka usoo ahaa kusoo guuleeyay koobabka FA Cup iyo Community Sheild.

Haddaba, arrinta qariibka noqotay ayaa ah in Arsenal ay toddobaadkan samaysay wax aysan afarii sano ee ugu dambeeyay samayn oo ah inay Usbuuca ku dhammaysteen iyaga oo fadhiya figta ugu sarreysa ee miiska kala sarreynta Premier League.

Markii ugu dambaysay ee ay Arsenal hoggaanka u qabatay Premier League ayaa ahayd bishii February ee 2016 markaas oo ay guul 2-1 ah ka gaadheen kooxdii xilli ciyaareedkaas horyaalka ku guuleysatay ee Leicester City.

Sidoo kale in Gunners ay markii ugu horreysay hoggaanka la hoydeen tan iyo bixitaankii Arsene Wenger ayaa muujinaysa nooca isbedel ee uu Mikel Arteta wado walow aan la qiimayn karin hoggaanka hal usbuuc.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here