Maxaa Ka Soo Kordhay Heshiiska Ay Man United Kula Wareegeyso Daafaca Real Madrid?

0
141

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa aad ugu dhow saxiixa daafaca garab ee Real Madrid Sergio Reguilon iyadoo la filayi in heshiiska la dhameystiro isbuucaan sida ay qortay jariirada El Mundo Deportivo.

Xaqiiqdii waxa kaliya ee u muuqda inaan weli xal laga gaarin ayaa ah in Real Madrid ay dooneyso inay heshiiska ku darto qodob u ogolaanaya inay ciyaaryahanka soo ceshan karto waqti walba taaaoo ay si weyn uga soo horjeedo Man United.

Tottenham Hotspur ayaa la sheegayaa inay ka war sugeyso haddii qodobkaaa darteed uu heshiiska u burburayo.

Kooxda Sevilla oo aheyd meeshii uu ciyaaryahanka amaahda ki joogay xilli ciyaareedkii hore ayaa sidoo kale tartan ugu jirta saxiixa ciyaaryahanka laakiin waxay haatan bedelkiisa la soo wareegeen Marcos Acuna oo ay ka soo iibsadeen kooxda Sporting Lisbon.

Wararka ayaa sheegaya in Reguilon uu ka tagi doono Real Madrid xagaagan islamarkaana ay taasi shaki ku jirin balse waxa kaliya ay su’aasha ka taagan tahay ayaa ah nooca heshiis ee uu ku baxayo.

Waxaa la sheegayaa in ciyaaryahanka uu doonayo inuu u wareego Man United, islamarkaan aysan wax dhibaato ah ka taagneyn inuu heshiis shaqsi ah la gaaro Red Devils.

Waxaa intaas sii dheer in Real Madrid iyo Man United ay ku heshiiyeen 25 milyan euro inkastoo aan weli la isku fahmin qodobka dhigaya in Real Madrid ay dib u iibsan karto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here