Hoos u dhac ku yimid Qiimaha Qudaarta Laga Beero Magaalada Jowhar.

0
145

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ganacsatada Qudaarta ku iibiya Suuqa Magaalada Jowhar ayaa  sheegay  in uu jiro hoos udhac ku yimid Qiimaha qudaarta iyaga oo sabab uga dhigay  ganacsatadii qaadi jirtay qudaarta oo Hakad Galiyay Ganacsigooda Kadib Markii Wadooyinka Gobolkani Shabeellaha Dhexe ay Saameyn Ballaaran ku Yeesheen Fatahaadahii Wabiga Shabeelle sida ay sharaxeyso Sacdiyo Maxamed Cali.

Sidoo kale waxa ay Sacdiyo xustay in aysan Ganacsigan ka helin nolol maalmeed ku filan qoyskeeda waxa ayna ganacsatada ugu baaqday in ay dib u bilaabaan goobihii loo qaadi jiray qudaarta Islamarkaana ka shaqeeyan sidii  loo heli lahaa Mashiino lagu shiido Dalaga Yaanyada.

Warkan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya :- Cabdi wali Axmed Hilowle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here