Liverpool vs Leeds – Kulanka Xamaasadda Waallida Ah, Tababareyaasha Khibradda Isku Adeegsanaya & Shaxaha Macquulka Ah

0
137

JOWHAR(RADIO ISNAAY)Liverpool ayaa difaacashada horyaalka Premier League ee ay koobkiisa haysato, waxay uga bilaabanaysaa garoonka Anfield oo ay kusoo dhoweynayso kooxda  xamaasadda waallida ah leh ee Leeds United, taas kusoo laabatay horyaalka iyadoo si weyn u dhisan, isla markaana ku hubaysan ciyaartooyo wanaagsan iyo jamaahiirteedii xamaasaddu madaxa martay.

Tababare Jurgen Klopp iyo xiddigihiisu waxay ku guuleysteen horyaalka Premier League, laakiin Leeds United iyaduba guul la’aan may ahayn, waxaanay soo qaadday horyaalka heerka labaad ee Championship oo dadka qaarkood ku doodaan inuu ka adag yahay Premier League.16 sannadood kaddib ayay Leeds tijaabinaysaa nolosha heerka koowaad, waxaana hormood u ah tababaraha rug-caddaaga reer Argentina ee Marcelo Bielsa, balse Liverpool ayaa iyaduna soo afjartay 30 sannadood oo ay koob la’aan ka ahayd Premier League, waxaana guushan ku hoggaamiyey tababare Jurgen Klopp oo labadii sannadood ee ugu dambeeyey u qaaday Champions League iyo horyaalka.

Kooxda martida loo yahay ee Reds, waxay xili ciyaareedkii hore jabisay rikoodhka dhibcaha lagu qaado horyaalka, iyadoo ka horreysay Manchester City 18 dhibcood oo saafi ah, waxaana dhibcahoodu intan hoos ugu soo dhaceen markii ay xaqiiqsadeen inay koobka qaadeen oo ay si nasasho leh u ciyaarayeen, guulihii xidhiidhka ahaana ka istaageen.

Xili ciyaareedkan cusub, waxa uu Liverpool ugu bilowday guul-darro, waxaana koobka ibo-furka u ah ee Community Shield kaga guuleysatay Arsenal dhamaadka bishii hore ee August.

Tababare Jurgen Klopp iyo xiddigihiisa lagaga badinin garoonka Anfield tan iyo April 2017, waxaanay haystaan rikoodh layaab leh oo ah 26kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ay 25 ka mid ah guulo ku gaadheen, halka ciyaarta kalena tahay barbarro ay kula galeen Burnley bishii July ee sannadkan, xilli uu sii dhamaanayay horyaalku, waana rikoodhkii ugu wanaagsanaa ee Reds ay ku hesho garoonkeeda muddo 24 sannadood ah.

Dhinaca kale, Marcelo Bielsa ayaa rikoodh cajiib ah soo sameeyey xili ciyaareedkii hore, waxaanu keenay Leeds United horyaalka Premier League oo ay ugu dambaysay sannadkii 2004.

Leeds waxay kulankan adeegsan doontaa xeeladda gaarka ah ee ay u leedahay kulamada bilowga xili ciyaareedka oo ay inta badan guulo ka gaadho, waxaanay kooxda Merseyside kala hor imanaysaa rikoodh wanaagsan oo ay ku dhamaysatay xili ciyaareedkii hore oo ah inay soo guuleysatay lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay martida ahayd.

Labada saxeex ee Leeds United ay samaysay oo ah Rodrigo Moreno iyo Robin Koch waxay sii kordhinayaan tayada iyo fursadaha ay guusha u haystaan, iyadoo uu tababare Marcelo Bielsa muujiyey kalsooni ah inay goolal aanay ku dhibaatoonin ka dhalin doonaan Liverpool.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Liverpool vs Leeds United

Tartanka: Premier League, usbuuca 1aad

Waqtiga: 7:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Anfield

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Liverpool waxay horyaalka Premier League ee xili ciyaareedka cusub ku bilaabanaysaa iyadoo uu ka maqan yahay kabtankeeda Jordan Henderson oo la dhibaatoonaya kasoo kabashada dhaawac jilibka ah.

Ma jiro waqti rasmi ah oo ay Liverpool u qabatay soo kabashadiisa iyo inuu kusoo laaban doono garoomada, laakiin waxa xataa haddii uu taam yahay uu kusoo bilaaban doonaa kaydka.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa sidoo kale dhaawac kaga maqan Liverpool, halka Xherdan Shaqiri uu muruqa wax ka qabo oo aanu joogin ciyaartan, waxaana u dheer in saxeexa cusub ee Kostas Tsimikas laga daaweynayo Korona Fayras oo ku dhacay.

Jurgen Klopp waxa kale oo uu ka fikirayaa inuu nasiyo difaaciisa Joe Gomez oo 90 daqiiqadood usoo ciyaaray xulka qaranka England labadii kulan ee UEFA Nations League, taas oo dhibaato ku noqonaysa Virgil van Dijk oo ay si fiican iskula haysteen.

Mohamed Salah ayaa taariikh ka dhigi doona horyaalka Premier League haddii uu gool dhaliyo, waxaanay u noqon doontaa sannadkii afraad oo xidhiidh ah ee ciyaarta furitaanka EPL gool ka dhaliyo, waxaanu soo qaban doonaa Teddy Sheringham oo rikoodhkan hore u haystay.

Ciyaartani waxay muhiimad gooni ah u leedahay James Milner oo ku dhashay magaalada Leeds ee ay ka dhisan tahay kooxda Leeds United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here