Ciyaarta Kaliya Ee Saaxiibtinimo Ee Manchester United Dheeli Doonto Oo Ka Hor Bilowga Horyaalka EPL Oo La Shaaciyay.

0
135

Jowhar – (Radio-Isnaay) – Manchester United waxay ciyaari doontaa kulan saaxiibtinimo ka hor inta aanu bilaabmin xili ciyaareedka Premier League oo kulamadiisa ugu horreeyaa dhacayaan Sabtida.

United oo dhowaan tababarka kusoo laabatay maadaama ay waqti dambe ka baxday tartanka Europa League, waxay ciyaarteeda ugu horreysa ee xili ciyaareedka ku ballansan yihiin Crystal Palace oo ay September 19 foodda isku dari doonaan, waxaanay naadiyada kale ka dambayn doonaan hal usbuuc.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa qorsheeyey inuu kulan saaxiibtinimo kusii tijaabiyo ciyaartoydiisa inta aan la gaadhin bilowga horyaalka si uu qiimayn ugu sii sameeyo safkiisa oo uu kusoo kordhiyey hal saxeex oo kaliya oo ah Donny van de Beek, halka ay saxeexyo kalena ku raad joogaan.

Manchester United, Wolves iyo Manchester City ayaa loo ogolaaday inay kulamadooda horyaalka ciyaaraan usbuuca labaad, maadaama xilligii ay ciyaartoyda kooxaha kale fasaxa galeen ay iyagu dheelayeen Champions League iyo Europa League, isla markaana ay xilli dambe kasoo laabteen fasaxii koobnaa ee la siiyey.

Kulankii ugu dambeeyey ee Manchester United oo ay ahaa Semi-finalka Europa League oo ay kusoo garaacday Sevilla, waxay fasax iyo tababarba u heshay kaliya 34 maalmood oo u dhexeeya ciyaartaas iyo kulankooda horyaalka Premier League ugu horreeya oo ay kooxda Crystal Palace ku martigelin doonaan Old Trafford.

Tababarka ay Red Devils samaynaysay waxa xoogaa sii kala dhantaalay kulamada caalamiga ahaa ee UEFA Nations League oo ay ciyaartoyda Dean Henderson, Bruno Fernandes, Anthony Martial iyo Victor Lindelof kaga maqnaayeen, iyagoo Salaasadii soo ciyaaray kulamadii ugu dambeeyey.

Saxeexa cusub ee Donny van de Beek ayaa yimid xarunta tababarka kaddib kulamadii Poland iyo Italy uu qarankiisa Netherlands la ciyaaray. David de Gea, Scott McTominay iyo Daniel James ayaa iyaguna Isniintii soo dhamaystay shaqooyinka qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here