Dowladda Indonesia oo hakisay qorsha ay ku doonaysay inay ku dhisto caasimad cusub oo badasha magaala madaxda Waddankaas ee Jakarta.

0
139

Jowhar – (Radio-Isnaay) – Xukuumadda ayaa go’aankan sabab uga dhigtay feyriska Corona oo saamayn ku yeeshay dhaqaalaha dalkaasi.

Saraakiisha dalkaasi ayaa waxay sheegeen in mashruucani balaayiinka doolar ah oo la doonayay in caasimad looga dhiso jasiiradda Borneo imika la joojiyay.

Madaxwayne Joko Widodo ayaa sanadkii aanu soo dhaafnay shaaciyay in mashruucani uu bilaaban doono sanadda 2021.

Madaxwyene Joko Widodo ayaa go’aankaasi waxa uu ku sababeeyay inuu ku yimid saxmadda faraha badan ee magaaladaasi ka jirta iyo in magaaladu ay ka mid tahay magaalooyinka sii dagaya ee caalamka.

Magaalada madaxda Indonesia ee Jakarta – oo hoy u ah in ka badan 10 milyan oo qof .

Magaalada Jakarta ayaa ku taalla jasiiradda saxmadda badan ee Java.

Waxaa jira dalal badan oo iyagu badalay caasimadahooda iyaga oo u cuskaday sababo kala duwan., waxaana ka mid ah dalalkaasi.

Naypyidaw, Myanmar (2005)

Caasimadda cusub ee Myanmar Naypyidaw iyo dhismooyinkeeda waa weyn ayaanay ilaa iyo haatan dad joogin

Sharaxaadda rasmiga ah ee ah in caasimadda laga raro magaalada Yangon ayaa ah in magaalada qadiimiga ah ay noqotay ciriiri dadku ay ku badan yihiin, hasayeeshee sababo kale ayaa arrintaasi qeyb ka noqon kara.

Magaalada Naypyidaw ayaa waxa ay ku taal bartamaha dalkaas waxa ayna taas u sahlaysaa dowladda inay si wanaagsan u maamusho gobollada fogfog ee ay fallaagooyinka ka jiraan.

Balse dad badan oo ku nool Myanmar ayaa waxa ay rumaysan yihiin in arrinta dhabta ah ee go’aankaasi dhalisay inay tahay in milateriga dalkaasi xukumayay taniyo 1962 uu dareemay in caasimadda cusub ay u fududaynayso in aanay soo gaarin kacdoonnada iyo faragelinta shisheeye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here