Xiddiga Aan Lionel Messi Ahayn Ee Barcelona U Jabto, Kooxda Horyaalka LaLiga Ku Guuleysan Doonta & Samuel Eto’o Oo Arrimo Dhawr ah Ka Hadlay.

0
156

Jowhar – (Radio-Isnaay) – Qaar ka mid ah xiddigaha 20kii sannadood ee ugu dambeeyey ayaa ka qayb-galaya daahfurka xili ciyaareedka cusub ee horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ee 2020-21, waxaana ka mid ah Andres Iniesta, Iker Casillasm Fernando Sanz, Fernando Morientes, Samuel Eto’o, Gaizka Mendieta, Luis García iyo Diego Forlán.

Halyeyga reer Cameroon ee Samuel Eto’o ayaa madasha lagula yeeshay waraysi, waxaana la weydiiyey sida uu u arko xiddigaha uu kasoo garab ciyaaray ee Lionel Messi oo ah hoggaamiyaha Barcelona iyo Eden Hazard oo ay Chelsea waqti kooban ku wada qaateen oo xili ciyaareedkiisii ugu horreeyey aan bandhig fiican ka samayn Real Madrid.

Xili ciyaareedkii tegay oo Barcelona ay dhibaatootay, isla markaana ay faro madhan kala baxday garoomada, waxa Real Madrid oo aan Hazard  ka helin wixii ay ka filaysay ay awood u yeelatay inay ku guuleysato horyaalka LaLiga iyo Spanish Super Cup.

Fadeexaddii ay Bayern Munich dhabarka u saartay ee 8-2 ay ku garaacday, waxa Barcelona u raacay kabtankooda Lionel Messi oo ku dhawaaqay inuu iska tegayo ka hor intii aanu ka laabanin go’aankiisa oo muddo ay ku muransanaayeen madaxda naadiga.

Eto’o ayaa sheegay in Barcelona ay xili ciyaareedkan kasoo kaban doonto fadeexaddaas oo ay horyaalka LaLiga, waxaanu yidhi: “Barcelona ayaa ku guuleysan doonto horyaalka xili ciyaareedka dambe, laakiin waxaan anigu doonayaa Mallorca (inay ku guuleysato), waa kooxda qalbigayga haysata oo kusoo laabatay heerka koowaad.”

Sannadihii 2000 illaa 2004 ayuu Samuel Eto’o u ciyaaray Real Mallorca iyadoo markii ugu horreysay ay Real Madrid kusiisay amaah ka hor intii aanu si rasmi ah uga mid noqon kooxdaas oo markii dambena uu uga soo wareegay Barcelona.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here