Tirada dadka qaba Xanuunka Jabtada oo kusii Badanaya Wadanka Biriten xili Tirakoob ay Wado Dowladda Uk.  

0
206

JOWHAR (RADIO ISNAAY) Tirada dadka uu ku dhaco cudurka lagu kala qaado galmada ee loo yaqaanno Jabtada ayaa heerkii ugu sarreysay ka mareysa waddanka UK tan iyo markii diiwaangalinta la billaabay in ka badan 100 sano ka hor.

Isku darka 70,936 ruux oo kiis ayaa lasoo tabiyay sanadkii lasoo dhaafay – waxayna tiradaas afar meelood meel ka badan tahay tiradii 2018-kii.

Inkastoo aan lasii saadaalin karin xilligan hore, haddana khubarada caafimaadka waxay rajeynayaan in sanadkan 2020-ka ay hoos u dhici doonaan dadka uu ku dhaco cudurkaas.

Hoos u dhaca ayaa la filayaa inuu saameyn weyn yeesho maadaama sanadkan billowgiisii uu jiray amar xayiraad loogu soo rogay UK, fayraska corona awgiis. Taasi waxay ka dhigan tahay in sanadkan ay yaraayeen dadka galmada sameynayay.

“Cudur safmar ah ma noqon karo sida ugu fiican ee lagu yareyn karo dadka uu ku dhaco xanuunka jabtada,” ayuu yidhi Fraser Wilson, oo ka tirsan hay’adda samafalka ee ka shaqeysa arrimaha la xidhiidha cudurrada galmada, Terrence Higgins Trust.

Warbixinta ay soo saartay hay’adda Caafimaadka Dadweynaha ee England ayaa lagu sheegay in muddadii u dhaxeysay 2018 -laa 2019 ay korodhay saameynta cudurka Jabtada iyo xanuunno kale oo lagu kala qaado galmada ee laga soo tabiyay dhammaan dadka ay da’dooda tahay 15 iyo wixii ka sarreeya.

Dadka ugu badan ee cudurka jabtada uuku dhacay waa kuwa ay da’dooda u dhaxeyso 20 ilaa 24 sano. Tiradaas oo horay u ahayd 13,623 ayaa gaadhay 17,443.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here