JOWHAR(RADIO ISNAAY) Sannad kasta 8-da bisha September oo maanta ku beegan waxaa dunida looga dabaal degaa maalinta caalamiga ee la dagaalanka Jahliga ama akhriska iyo qoraal la’aanta iyadoo diirada lagu saaro sidii kor loogu qaadi lahaa fahanka iyo aqoonta bulshada.
Golaha guud ee qaramada midoobay ayaa maalintan meelmariyay 26- Oktober sannadkii 1966-dii, iyadoo sannadkii ku xigay ee 1967-dii la bilaabay dabaal degga maalinta caalamiga ee ladagaalanka Jahliga ama qorista iyo akhris la’aanta taasoo loo asteeyay 8-da bisha September sannad kasta.
Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya:- Cusmaan Cabdalla Cusmaan.