Waa kuma Xidigga Waqti Dheer Lala Xidhiidhinayay Arsenal Iyo Liverpool Oo Ay Newcastle Unied Heshiis Rasmi Ah La Gaadhay?

0
133

Jowhar- (Radio Isnaay) – Kooxda Newcastle United ayaa si buuxda ugu guulaysatay xidigii kooxda Bournemouth ee Ryan Fraser kaas oo muddo dheer lala xidhiidhinayay kooxaha Arsenal iyo Liverpool.

Newcastle United ayaa dhamaan kooxihii Premier league ee doonayay saxiixa Ryan Fraser waxay kaga dul qaaday dalab uu xidigan reer Scottland aqbalay maadaama oo uu yahay mid xor ah oo ka baxay kooxdiisii Bournemouth kadib markii uu dhamaystay heshiiskii uu kula jiray.

Xagaagii la soo dhaafay Arsenal iyo Liverpool ayaa si toos ah ugu tartamayay Ryan Fraser laakiin waxa ay Bournemouth kala heshiin waayeen qiimihii ay ku doonayeen.

Dhinaca kale kooxaha West Ham United iyo Crystal Palace ayaa hadda ahaa kooxaha Newcastle United kula tartamayay adeega Ryan Fraser laakiin tababre Steve Bruce ayaa markii uu kulan toos ah la qaatay xidigan waxa uu ku qanciyay in uu Newcastle kula soo biiro.

Ryan Fraser ayaa January 2013 kii kooxda Bournemouth ugu soo biiray 400,000 kun oo gini wuxuuna soo qaatay xili ciyaareedyo uu isku soo muujiyay kulamada kooxaha waa wayn laakiin waxa uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo.

Newcastle United ayaa heshiiska Ryan Fraser waxay dhamaystiri doontaa inta lagu jiro 24 ka saacadood ee soo socda kadib markii ay heshiis buuxa gaadheen maamulka Newcastle United.

Ryan Fraser ayaa ah xidig cag fudud oo xawaare dheer ku orda isla markaana saamayn badan leh waxayna ahaayeen astaamihii ay ku doonayeen kooxaha Liverpool iyo Arsenal.

Si kastaba ha ahaatee, Ryan Fraser oo 26 sano jir ay ayaa si bilaash ah ugu soo wareegaya kooxda uu hadda heshiiska buuxa la gaadhay ee Newcastle United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here