Dowladda Britian oo walaac ka muujisay kororka kiisaska Xanuunka Covid-19 ee Wadanakeeda.

0
154

Jowhar- ( Radio Isnaay) – Dalka UK waxaa walaac laga muujiyey kororka kiisaska fayraska Korona oo maalmihii ugu dambeeyey cirka isku shareeray, iyadoo 24-kii saac ee la soo dhaafay la diiwan galiyey ku dhawaad saddex kun oo kiis, taasi oo ah tiradii ugu badneyd muddo 13 asbuuc ah.

Tiradan cusub ee 2,988 ayaa ah tii ugu badneyd tan iyo 22-kii bishii May, taasi oo ka macno ah in guud ahaan kiisasku gaarayaan hadda 347,152 kiis .

Diiwaangalintan cusub ayaa laamaha caafimaadku waxay ku sheegeen in ay ka dhigan tahay in tan iyo bilowga bishan September celcelis ahaan kiisasku ay gaarayaan 1,800 maalin kasta.

Inkastoo kororku kiisasku ay sare u socdaan haddana wararka laga helayo Isbitaalada ayaa sheegaya in ay hoos u dhacayaan kiisaska culus ee xarumaha caafimaadku la tacalaayaan, iyadoo 24-kii saac ee la soo dhaafay la diiwan galiyey dhimashada laba qof oo kaliya, isla markaana tirada guud ahaan dhimashada UK ee cudurka Covid19 ka dhigayasa 41,551 qof.

Gobolada UK ayaa dhamaantood laga soo warinayaa kororka kiisaska fayraska, tusaale ahaan Scotland waxaa Axadii shalay la soo tebiyey 208, waana tiradii ugu badneyd 17 todobaad.

Xoghayaha caafimaadka UK Matt Hancock ayaa sheegay in uu ka walaacsan yaahy kororkan cusub oo dadka laga helayo ay u badan yihiin dhalinyarada, isagoo ugu baaqay guud ahaan bulshada ahmiyadda ay leedahay kala dheeranshaha bulshada iyo in la raaco talooyinka caafimaadka.

Hawlwadeenada caafimaadka iyo golaha wasiirada ayaa walaacooda ugu weyni wuxuu ku aadan yahay in kororka dadka da’da yare e fayraska qaadaya ay dhici karto inay u gudbiyaan dadka waayeelka ah ama kuwa xaalladaha caafimaad ee gaarka ah qaba kuwaasi oo uu nugul Covid19-ka.

Xoghayaha caafimaadka Matt Hannock iyo saraakiisha caafimaadka ayaa walaacooda wuxuu imaanaya iyadoo ay dhici karto in UK ay raacdo dhabaha ay qaadeen Faransiiska iyo Spain iyadoo kor u kaca kiisaska dhalinyarada uu

kororka dadka waayeelka ah iyo kuwa daruufaha caafimaad qaba ee Isbitaalada la dhigayo.

Kororka kiisaska maalinlaha ayaa ku soo aadaya iyadoo todobaadkii hore ay dib u bilowdeen Iskuulada, arintaasi oo uu si adag u difaacay kuna tilmaamay go’aan sax ah oo ay dawladu ku dhaqaaqday wallow ay jireen dhawaaqyo kala duwan oo ku aadanaa walaaca laga qabo dib ugu laabashada Iskoolada ay horseedikarto in kiisasku xargaha goostaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here