Xaalado Caafimaad Dari oo soo Wajahay Dad ku Nool Tuulada Sabuun ee hoostimaada Magaalada Jowhar.

0
155

Jowhar(Radio Isnaay)-Gudoomiyaha Tuulada Sabuun ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Cusmaan Laameer Abuukar Ayaa Ka warbixiyay xaaladaha Tuulada waxa uuna sheegay in Dadka kunool Tuulada ay soo wajahday xaalad Caafimaad daro islamarkaana ay ka dilaaceen Cuduro ay ka midyihiin shuban biyoodka iyo jadeecada oo soo ritay Carruur iyo dad Da’da ah waxa uuna tilmaamay in cuduradaan ay ka dhasheen fatahaadaha webiga shabeelle.

Sidoo kale waxa uu xusay Gudoomiyaha in tuulada horay ay u lahayd  goobo Caafimaad balse hada aysan Shaqeyn islamarkaana dadka Tuuladaasi daawo ay u soo raadsadaan  Magaalada jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya:- Cabdi Wali Axmed Hilowle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here