Atletico Madrid Oo Ka Jawaabtay Dalab Cusub Oo Ay Arsenal Ka Gudbisay Thomas Partey.

0
180

JOWHAR (RADIO ISNAAY) Kooxda Arsenal ayaa Xiddigaha Matteo Guendouzi iyo Alexandre Lacazette miiska u saartay Atletico Madrid si ay u hesho saxiixa xiddiga Thomas Partey laakiin kooxda reer Spain ayaa diiday.

Gunners ayaa ku raad joogtay xiddiga reer Chana xagaagan oo dhan laakiin waxa ay ku fashilantay in ay wax horumar ah ka samayso baacsigiisa.

Partey ayaa heshiiskiisa Atletico Madrid lagu bur-burin karaa lacag dhan 45 milyan oo euro kooxda reer Spain ayaana diidan in ay aqbasho wax ka yar lacagtaas.

Laakiin Arsenal ayay lacagtu ku yartahay awoodna u lahayn in ay bixiso 45-ka milyan kadib markii ay xiddiga Gabriel 27 milyan kula soo wareegtay.

Arsenal ayaa dalabkeedii ugu dambeeyay ka dhigtay labada xiddig ee Matteo Guendouzi iyo Alexandre Lacazette laakiin Atletico Madrid ayaa indhaha kaga soo dhufatay una sheegtay in ay bixiso lacag kaash ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here