Dowladda Sudaan oo ku Dhawaaqday Xaalad Deg Deg ah kadib Fatahaado Maasheeyay Dalkaas.

0
158

JOWHAR ( RADIO ISNAAY) Ciidamada birmadka qaran ee dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqay in dalkaasi ay ka jirto xaalad degdeg ah oo socon doonta muddo saddex bilood ah kaddib fatahaado khasaare badan dhaliyay oo ka dhacay dalkaas.

War qoraal ah oo ka soo baxay golaha birmadka qaran ayaa lagu sheegay in Suudaan ay la soo gudboonaatay xaalad halis ah oo ka dhalatay fatahaado maasheeyay ilaa 11 gobol oo dalkaasi ka mid ah.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in roobab lixaad leh oo dalkaasi ka da’ay ay dhaliyeen fatahaado galaaftay nolosha 97 qof sidoo kalena ay waxyeello ka soo gaadhay 46 qof oo kale.

Dhanka kale wasiirka shaqada iyo horumarinta bulshada Suudaan Liina Sheekh ayaa sheegtay in dad kabadan nus milyan oo reer Suudaan ah ay dhibaato ka soo gaartay fatahaadda iyada oo tilmaantay in ay ku burbureen in ka badan 100.000 oo guri.

Ciidamada birmadka Suudaan ayaa sheegay in gobolka Sinnaar ay ka heleen meydka 2 qof oo ku haftay fatahaadda wabiga Niilka Buluugga ah taasi oo dadka fatahaadaha dalkaasi ku geeriyooday ka dhigeysa 12

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here