Dowladda Iiraan oo Kordhisay Macdanta Laga Sameeyo Nugliyeerka.

0
182

JOWHAR (RADIO ISNAAY) Iiraan ayaa hadda haysata in ka badan toban jeer xaddiga macdanta uranium-ka, ee loogu oggolaa heshiiskii caalamiga ahaa, sida ay sheegtay hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada Nukliyeerka.

Wakaaladda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomigga (IAEA) ayaa sheegtay in keydka Yuraaniyamka ee Iran korordhkiisu uu gaadhay 2,105kg (4,640lb) – oo aad uga sarreeya 300kg oo ahaa intii lagu heshiiyay 2015.

Iran ayaa had iyo goor sheegta in ay xaq u leedahay in ay hesho tamarta nukliyeerka, waxaanay ku nuuxnuuxsataa in barnaamijkeeda nukliyeerku yahay mid nabagelyo oo keli ah.

Arrintan ayaa timid kadib markii Iiraan ay fursad u siisay kormeerayaasha IAEA inay galaan mid ka mid ah laba goobood oo looga shakisan yahay inay horey uga kaydiyaan tamarta nukliyeerka.

Hay’addu waxay sheegtay in ay tijaabo ka qaadi doonto goobta labaad dhammaadka bishan.

Sannadkii hore, Iiraan waxay si badheedh ah iyo si guudba uga noqatay ballanqaadyadeedii ay ku gashay heshiiskii caalamiga ahaa ee nukliyeerka, oo ay saxiixeen 2015-kii Iran, Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka, Ruushka, Ingiriiska iyo Mareykanka.

Waxaana ballamahaas ka mid ahaa soo saarista uranium ka badan intii loo oggolyahay – inkasta oo ay tahay kordhintani yihiin mid ka hooseeysa inta loo baahan yahay in loo adeegsado hubka atomiga ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here