Aabaha Dhalay Ciyaartoyga Muslimka Ah Ee Abdelhak Nouri Oo Sharaxay Qiirada Ku Xeeran Lambarka Uu Van De Beek U Qaatay Man United.

0
168

JOWHAR- (Radio-Isnaay)- Ciyaartoyga muslimka ah ee Abdelhak Nouri oo muddo 2 sanadood iyo 8 bilood ah ku jiray koomo aanu aduunka waxba ka ogayn ayaa oohinta xejisan kari waayay markii uu saxiixa cusub ee Man United ee Van De Beek uu xusuustiisa awgii u qaatay lambarka 34 aad ee waayihiisa cusub ee Man United.

Van De Beek iyo Abdelhak Nouri ayaa saaxiibo isku dheer ku ahaa kooxda Ajax laakiin qalbi jabkii Van De Beek iyo ciyaartoyda kooxda Ajax ka soo gaaadhay xanuunkii dhinaca wadnaha iyo maskaxda ahaa ee ku soo booday Abdelhak Nouri ayaa keenay in uu dareenkoodu wali isla sii shaqeeyo.

Aabaha dhalay Abdelhak Nouri oo la yidhaa Mohammed Nouri ayaa ka sheekeeyey sida uu wiilkiisu oohinta u xejisan kari waayay markii uu saaxiibkiisa Van De Beek go’aan ku gaadhay in uu Man United u qaato No.34 kaas oo ah lambarkii uu Abdelhak Nouri u qaadanayay kooxda Ajax.

Aabaha dhalay Abdelhak Nouri ee Mohammed Nouri ayaa sheegay in markii uu wiilkiisu maqlay hadalka Van De Beek uu oohin qabsaday wuxuuna yidhi: “Isagu farxad awgeed ayuu la oojyay oo ay dhabanadiisa gaadhay, Donny waxa uu anaga noo yahay sidii wiilkayaga oo kale”.

“Qof kastaba oo gurigayaga yoogay aad ayuu u qiiraysnaa, waxayna ku faraxsanaayeen in Donny uu sameeyay u wareegis layaableh” ayuu Mohammed Nouri hadalkiisa raaciyay

Aabaha dhalay Abdelhak Nouri ee Mohammed Nouri  ayaa tilmaamay in ay tilmaan aad u fiican tahay in Van De Beek uu lambarkiisa Man United ku xusuustay wiilkiisa wuxuuna yidhi: “Anigu kaliya waan u hanwaynahay, waa tilmaan fiican, aad ayay khaas noogu tahay”.playing with number 34.

Laakiin sababta keentay in Van De Beek uu waqti dheer xusuusnaa hadaladii Abdelhak Nouri ee sanadkii 2019 kii ayaa ah in markii ay Ajax ku guulaysatay koobkeedii 34 aad ee horyaalka Holland in Abdelhak Nouri uu dalbaday lambarka 34 aad si uu koobabka kooxdiisa ugu xuso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here