Dhuldaaqsi Yari Soo wajahday Xolaleyda kunool Tuulooyinka Hossyimaada Degmada Jowhar.

0
165

Xoolo dhaqatada ku nool Magaalada Jowhar iyo deeganada hoos yimaada ayaa waxa ay sheegeen in  daaqyari soo wajahday xoolahooda ka dib markii ay Fatahaadaha Wabiga Shabeelle ay cagta mariyeen dhul deeqsimeedkii oo ay biyo baaxad leh buuxdhaafiyeen.

Salaaad Abuukar Cadow waxa uu ka mid yahay Xoolo Dhaqatada ku nool tuulada Seerilaale oo hoostimada Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Salaad ayaa waxa uu Radio isnaay u sheegay in tuulada ay tahay mid ay gabi ahaanba go’doomiyeen fatahaadaha wabiga Shabeelle.

Xoolo Dhaqatada ku dhaqan  tuulooyin badan oo hoosyimaada Degmada Jowhar aya waxa ay  inta badan soo wajaha xaaladahan oo kale  markii Fatahaada Wabiga Shabeelle ay Jaraan dhul beeredyadii beerna.

Warbixntaan waxaa inoo soo jeedineysa:-Xaliima Cali Ibraahim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here