Luka Modric Oo Sheegay In Barcelona Heli Doonto Xiddigo Kale Oo Guulo Gaadhsiiya Haddii Lionel Messi Ka Tago.  

0
148

JOWHAR- (Radio-Isnaay) – Xiddiga reer Croatia ee Luka Modric ayaa shaaciyey inay ciyaartooyo kale fursad ka heli doonaan haddii uu kabtanka Barcelona ee Lionel Messi ka tago kooxdiisa iyo guud ahaan horyaalka waddanka Spain ee LaLiga.

Modric waxa uu rumaysan yahay in Barcelona ay guuleysan doonto Lionel Messi la’aantii, waxaanu tusaale ugu soo qaatay qaabkii ay Real Madrid awoodda ugu yeelatay inay horyaalka ku guuleystaan markii uu ka tegay Cristiano Ronaldo.

Real Madrid ayaa horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ku guuleysatay xili ciyaareedkii dhowaa iyadoo dhibcihii ugu badnaa ku qaadday, waxaanu u noqday koobkii ugu horreeyey tan iyo markii uu ka tegay Cristiano Ronaldo sannadkii 2018kii, laakiin Los Blancos waxay ku dhibaatootay tartanka Champions League intii uu CR7 kasii maqnaa.

Barcelona ayaa dhinaceeda ku dhibaatootay dhamaan tartamada xili ciyaareedkii dhowaanta dhamaaday iyadoo uu ku jiro Lionel Messi, waxaanay fadeexaddii ugu xumayd kasoo gaadhay tartanka Champions League, halka ay dhibcihii ugu badnaa ka dambaysay Real Madrid tartanka horyaalka.

Messi ayaa shaaciyey inuu doonayo inuu ka tago Barcelona, waxaanu iska diiday inuu kusoo laabto tababarka iyadoo ay hadda u muuqato inay sharciga isla tiigsan doonaan, kaddib markii ay ku kala kaceen wada-hadallo ay xalay yeesheen boodhka maamulka iyo qoyska Lionel Messi.

Luka Modric oo warramayay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay inay soo bixi doonaan xiddigo kale marka uu Lionel Messi tago, kooxdiisuna ay awoodi doonto inay guulo gaadho, waxaanu yidhi: “Inuu Lionel Messi tago waa khasaare weyn, sidii markii uu Cristiano naga tegay. Laakiin kama fikiri kartid wixii tegay, kubadda cagta ayaa sidaas ah.

“Haddii ay dhacdo inuu tago, horyaalka ayaa waayi doona sumcaddiisii weynayd, laakiin waxa aanu u baahanahay inaanu hore u socono, waxaana soo bixi doona xiddigo kale. Markii uu Ronaldo tegay, sidaas oo kale ayaa dhacday laakiin nolosha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here