Xubno ka tirsan Boqortooyada Dalka Ingariiska oo Filimaan kusoo Bandhigi doona Barta Muuqaalada ee Netflix.

0
151

Amiir Harry iyo xaaskiisa Meghan ayaa heshiis la galay barta muuqaallada baahisa ee Netflix, si ay ugu sameeyaan barnaamijyo kala gedisan, kuwaas oo qaarkood ay iyaguba ka soo muuqan doonaan.

“Waxaan diirrada saari doonnaa inaan soo bandhigno xog dadka wax u kordhisa, sidoo kalena rajo gelisa,” ayay yiraahdeen Amiir Harry iyo xaaskiisa Meghan.

“Maadaama aanu nahay waalid horleh, waxaa sidoo kale muhiim noo ah in aan sameyno barnaamijyo dhiiragelin leh oo ka hadlaya qoyska,” ayay hadalkooda raaciyeen.

Madaxa Netflix, Ted Sarandos, ayaa sheegay in ay “aad ugu faraxsan yihiin” in lamaahanan boqortooyada ka tirsan ay shirkaddaasi ka dhigeen “hoygooda hal-abuurka”.

Heshiiska oo sanado socon doona ayaa waxaa qeyb ka ah soo saaridda filimaan koobaan, kuwo taxane ah, barnaamijyo la sii qoray iyo kuwo gaar u ah carruurta.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa lix bilood kadib markii amiirka iyo xaaskiisa ay iska wareejiyeen xilkii ay u hayen boqortooyada, kadibna u guureen gobolka California.

Lamaanaha ayaa sheegay in ay “ku faraxsan yihiin la shaqeynta Netflix” maadaama ay ka caawin doonto inay macluumaadka la wadaagaan daawadayaasheeda tirada badan.

Sida ay qortay barta Deadline ee ka hadasha filimaanta, hawlaha ay hadda gacanta ku hayaan lamaanaha ayaa waxaa kamid ah “barnaamij hal-abuur ah iyo taxane sawir-muuqaal ah oo looga hadlayo haweenka hal-doorka ah”.

Lamaanaha ayaa barnaamijyada ay u sameeyaan Netflix waxaa gacan ka siin doona shirkad filimaanta soo saarta oo aan weli la magacaabin.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here