Manchester City Oo Heshiis Shaqsi Ah La Gaadhay Kabtanka Barcelona Ee Lionel Messi.

0
152

JOWHAR- ( Radio – Isnaay ) Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa heshiis shaqsi ah la gaadhay xiddiga Barcelona iyo xulka qaranka Argetnina ee Lionel Messi, kaas oo toddobaadyadii ugu dambeeyey ku adkaysanayay inuu ka tegayo Camp Nou, xilli ay kooxda reer Spain dhinaceeda dagaal kaga jirtay.

Lionel Messi oo Salaasadii usbuucii hore shaaciyey inuu ka tegayo Barcelona, warqad codsi ahna gacanta ka saaray Madaxweyne Bartomeu ayaa la sheegay inuu heshiis shaqsi ah la gaadhay Manchester City, iyadoo uu maalmihii ugu dambeeyey magaalada Barcelona ku sugnaa tababare Pep Guardiola oo ka shaqaynayay sidii uu kula soo saxeexan lahaa Messi.

Kabtanka Barcelona ayaa wararku sheegayaan inay kulan yeesheen Guardiola oo u badheedhay inuu tago Spain oo qofka ka yimaadda ay UK gelinasyo 14 maalmood oo karantiil ah, taas oo uu ku seegayo inuu tababarka siiyo ciyaartoydiisa Man City labada toddobaad ee soo socda ee ay isku diyaarinayaan horyaalka Premier League oo furmi doona September 12.

Ad by Valueimpression

Guardiola ayaa xoojin u dalbaday agaasimaha ciyaaraha ee Man City, Txiki Begiristain oo isaguna tegay magaalada Barcelona si uu ula fududeeyo heshiiskan, waxaana warar hadda soo dhacay ay sheegayaan in kooxda reer England ay ku guuleysatay inay heshiis shaqsi ah la gaadho Lionel Messi.

Sida uu qoray wargeyska Daily Record, Manchester City waxay heshiis shaqsi ah la gaadhay Lionel Messi, waxaanay isla waafaqeen in shan sannadood oo qandaraas ah uu qalinka ku duugo laacibka reer Argentina marka ay kala baxaan Barcelona, iyadoo uu muddadaasna mushahar ahaan u qaadan doono €700 milyan oo Euro.

Messi ayaan u ciyaari doonin Manchester City oo kaliya, laakiin sannado uu ka ciyaaro horyaalka Premier League kaddib, waxay uu usii dhaafi doonaa naadiyada kale ee ay iska leedahay shrikadda City Football Group ee mulkiyadda Man City iska leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here