Kulamada Lagu Furayo Xilli Ciyaareedka Cusub Ee La Liga Oo La Soo Saaray, Goormaa La Ciyaarayaa Kulamada El Clasico?

0
140

JOWHAR- ( Radio – Isnaay ) – Xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka La Liga ayaa si rasmi ah u bilaaban doona 12ka bisha September iyadoo goor dhow la soo saaray jadwalka xilli ciyaareedka iyo kulamada la ciyaarayo isbuuca koowaad.

Kooxda difaacaneysa horyaalka ee Real Madrid ayaa isbuuca koowaad lagu aadiyay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Getafe halka kooxda mashaqada ku jirta ee Barcelona ay isbuuca koowaad la dheeli doonto kooxda ka soo dalacday heerka labaad ee Elche.

Laakiin labadaan kulan ee kulamada kale ee kooxaha ka qeyb qaatay tartamada Yurub dib ayaa loo dhigi doonaa inkastoo aan la sheegin waqtiga la ciyaari doono, laakiin kooxahaan ma dheeli doonaa 12ka iyo 13ka September.

Sidoo kale waxaa la shaaciyay taariikhda la ciyaarayo kulamada El Clasico oo ah kulamada ugu xiisaha badan kubada cagta Spain iyo dunidaba.

Kulanka ugu soo horeeya ee El Clasico wuxuu ka dhici doonaa garoonka Camp Nou iyadoo 25ka October ay Barcelona martigelin doonto kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Real Madrid.

Kulanka labaad ee El Clasico waxa uu 11ka bisha April ka dhici doonaa garoonka Santiago Bernabeu iyadoo la filayo inuu kulankaan muhiim u noqon doono hanashada horyaalka madaama la ciyaarayo waqti uu soo dhamaanayo xilli ciyaareedka.

Waxaa iyadana sidoo kale la shaaciyay taariikhda la dheelayo kulanka Madrid Derby ee u dhaxeeya Atletico iyo Real Madrid.

Kulanka ugu soo horeeya ee Madrid Derby waxa uu ka dhacayaa Santiago Bernabeu 13ka bisha December iyadoo kulanka labaad ee martida loo noqon doono Atletico uu dhici doono 7da bisha Maarso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here