Madaxweynahii Hore Ee Dalka Hindiya Oo u Geeriyooday Xanuunka Corona Virus.

0
142

Madaxweynihii hore ee Hindiya, Pranab Mukherjee, ayaa geeriyooday 21 maalmood kadib markii la xaqiijiyay inuu qaaday Fayraska Korona.

84 jirkan ayaa cisbitaalka la dhigay si looga qalo xinjir lagu arkay maskaxdiisa, waxaana laga baaray oo laga helay cudurka safmarka ah.

Ka hor inta aanu madaxweynaha ka noqon Hindiya 2012 illaa 2017, ayaa Mr Mukherjee waxa uu soo qabtay xilal kala duwan 51-kii sano ee uu ku jiray siyaasadda waddankaasi.

Xilkaasi waxaa kamid ahaa wasiirrada maaliyadda, arimaha dibedda iyo gaashaandhigga Wiilkiisa Abhijit ayaa geerida madaxweynaha ku xaqiijiyay Twitter-ka.

Ra’iisal wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ayaa madaxweynaha geeriyooda ku tilmaamay nin “waxqabad muuqda uga tegay horumarka dalkiisa”.

“Waxa uu ahaa aqoonyahan, hogaamiye la dugsado, waxaana laga jeclaa dhammaan dhinacyada siyasadda iyo guud ahaan bulshadeena,” ayuu Mr Modi ku qoray bartiisa Twitter.

Xilka madaxweynaha Hindiya ayaa sida caadiga ah mid aan awood badan wadan, balse waxa uu muhiim noqdaa marka ay doorashooyinka horseedaan in la waayo xisbi si buuxda aqlabiyad u helay. Kolkaas, madaxweynaya ayaa go’aan ka gaara xisbiga soo dhisaya xukuumadda.

Mr Mukherjee ayaan fursaddaasi helin inta uu madaxweynaha ahaa, maadaama lagu kala adkaaday doorashada. Balse waxa uu awooddiisa ku muujiyay dhinacyo kale, sida inuu diiday cafis u fidinta dhowr qof oo dil lagu xukumay.

Inta badan waayihiisa siyaasadeed waxa uu ku qaatay xisbiga Congress Party kaasoo sanado badan hogaanka u hayay Hindiya ka hor inta aanu guuldarooyin is xiga kala kulmin sanadihii 2014 iyo 2019 xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP) ee ra’iisal wasaare Modi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here