Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah furay Ololaha Talaalka Cudurka Jadeecada ee Magaalada Muqdisho

0
173

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daahfuray ololaha Talaalka Jadeecada iyo Dabeesha, kaas oo si wadajir ah looga fulin doono Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Munaasabadda daahfurka ololahaan waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro iyo Xilidhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, madax ka socotay Hay’adda caafimaadka adduunka WHO iyo qeybaha bulshada rayidka ee ku nool caasimadda.

Agaasimaha Caafimaadka dowladda Hoose ee Xamar Maxamed Caddow ayaa sheegay in tani ay tahay bilow fiican oo uu maamulka gobolku kula wareegayo adeega caafimaadka ee bulshada, ayna ku dadaali doonaan in si sax ah loogu adeegayo bulshada Gobolka.

Siihayaha Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya mudane Maxamed Saciid Cabdullaahi ayaa tilmaamay in maaulka Gobolka Banaadir ay si dhaw ugala shaqeyn doonaan fulinta howlaha lagu xoojinayo talaalka jadeecada iyo Dabeesha, ayna diyaar u yihiin la shaqeynta agaasinka Caafimaadka ee gobolka.

Siihayaha Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in maamulka gobolka uu miisaaniyad u qoondaayo adeegyada caafimaadka ee bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tilmaamay in mamaulka Gobolka uu xoojin doona dadaallada ku aadan dar dargelinta adeegyada aas aasiga u ah caafimaadka iyo badqabka bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here