Arsenal Oo Iska Fasaxday Xiddig Weyn Oo Ay Ku Qasaartay & Koox Weyn Oo Ka Faa’ideysaneysa

0
183

Arsenal ayaa si rasmi ah u kansashay qandaraaska Henrikh Mkhitaryan taasoo u ogolaaneysa inuu si joogta ah ugu biiro kooxda Talyaaniga ee AS Roma ka hor xilli ciyaareedka 2020-21.

Arsenal ayaa ku dhawaaqday inuu si hor ah ku baxay xiddiga heerka caalami ee dalka Armenia ka dib hal xilli ciyaareed uu amaah ku joogay caasimada Talyaaniga.

Gunners ayaa ogolaatay inay kansasho qandaraaska weeraryahanka iyadoo xiddigii hore ee Manchester United uu ku biiri doono kooxda lagu naaneeso Giallorossi.

Micki waa uu inaga tagayaa ka dib hal xilli ciyaareed uu amaah ku joogay Talyaaniga.” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay kooxda Arsenal.

“Waxaan isla garanay inaan kansalno qandaraaskiisa iyadoo labada dhinacba ay isku raaceen, wuxuuna si joogta ah ugu wareegayaa kooxda AS Roma.”

Mkhitaryan ayaa 27 kulan u ciyaaray kooxda Roma xilli ciyaareedkii la soo dhaafay isagoo u dhaliyay sagaal gool.

Arsenal ayaa isku dayay inay meel isaga yeesho mushaharka xiddigaha ay ku qasaartay iyadoo Mkhitaryan ay ku soo bedesheen Alexis Sanchez oo waqtigaas isna u wareegay Man United.

Labada xiddig ee la isku bedeshay ee Mkhitaryan iyo Alexis Sanchez ayaa labaduba ku fashilmay kooxahooda, waxayna haatan ka ciyaarayaan horyaalka Serie A iyadoo Sanchez uu joogo Inter Milan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here