Man United Oo Thiago Alcantara Oo Si Toos Ah Ugu Soo Biirtay Tartanka Thiago Alcantara Iyo Liverpool Oo Ay Doonayan In Ay Ka Dul Qaadaan.

0
171

Kooxda Bayern Munich ayaa shaacisay in dhawrka maalmood ee soo socda ay heli doonaan dalabyo lagu doonayo xidiga kooxdooda ka baxaya ee Thiago Alcantara waxaana soo baxay war lagu ogaaday in Man United ay qayb ka soo noqotay kooxaha doonaya xidiga reer Spain.

Thiago Alcantara ayaa diyaar u ah in uu ku soo biiro horyaalka Premeir League waxaana xidhiidh joogto ah la soo lahayd kooxda Liverpool laakiin war soo baxay ayaa lagu xaqiijiyay in Man United ay ka mid noqotay kooxaha xidigan doonaya.Karl-Heinz Rummenigge ayaa shaaciyay in kooxdiisa Bayern Munich ay dalabyo heli doonto dhawrka maalmood ee soo socda waxaana hadda la ogaaday in Man United ay ka mid tahay kooxaha dalabka ka gudbinaya Thiago.

Wariyaha reer Norway ee  Fredrik A. N. Filtvedt, oo ka hawl gala Dagbladet TV ayaa shaaciyay in Man United ay ku soo biirtay tartankii loogu jiray Thiago kaas oo go’aan buuxa ku gaadhay in aanu Bayern Munich sii joogin.

Madax fulinta kooxda Bayern Munich ee Rummenigge  oo xaqiijinaya in ay kooxo kale dalab ka heli doonaan maalmaha soo socda ayaa yidhi: “Waxaanu filaynaa in aanu dalab ka helno koox kale dhawrka maalmood ee soo socda”.

Rummenigge oo sii cadaynaya in Thiago uu go’aankiisa ka dhigay mid aanu ka laabanayn ayaa yidhi: “Waxa uu isagu noo sheegay in uu joogo dhamaadka waayihiisa ciyaareed isla markaana uu wax cusub isku dayo”.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya in uu Liverpool ka dul qaado saxiixa Thiago inkasta oo la og yahay in xidiga reer Spain uu doonayo in uu Jurgen Klopp kula shaqeeyoo Liverpool.

Laakiin Liverpool ayaa ka cago jiidaysa in ay biixso lacagta 30 ka milyan gini ah ee ay Bayern Munich ku doonayso Thiago oo galay 12 kii bilood ee heshiiskiisa ugu danbeeyay.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in Jurgen Klopp uu doonayo saxiixa Thiago balse ay hadda hawshu u taalo maamulka kooxdiisa haddii ay dhamaystirayaan heshiiska ay Thiago ku doonayaan balse United ayaa doonaysa in ay dhexda u gasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here